waxii ka danbeeyay markii uu dhacay taliskii uu hogaaminay kalidiitaliyahii macangaga ahaa ee Maxamad Siyaad Barre isla markaana Somaliland la soo noqotay madaxbaniinadeedii waxaa ka bilaabay dalka Somalia xaalad jahawareer ah taas oo keentay inay madaxa isdaraan qabqablayaal dagaal oo han iyo hunguri kaga jiro inay ku fadhiistaan kursiga siyaasada ee firaaqada noqday.
waxay taasi somalia dhaxalsiisay in sanadkii 1993 uu hawlgal ay qaramada midoobay ay doonayso inay rajada ugu soo noolayso ay ku soo gasha kaas oo uu hogaaminay dalka maraykanku, laakiin halkaas waxa ka raacay jab iyo leel markii uu isku dayay inuu muquuniyo hogaamiyahii halyayga ahaa ee Maxamad Faarax Caydiid. waxii intaas ka danbeeyay Somalia waxay ku sii hoobanaysay haadaan dheer oo aan la garanayn halkay ku dhamaan doonto gunteedu, ugu danbayntiina waxay gaadhay 2 sano ka hor in kooxo wadaado ah ay jibadu qaado isla markaana isku dayaan inay badbaadiyaan wadankooda iyo dadkooda. nasiib daro waxay wadaadadaasi galeen khaladaad siyaasadeed iyo ku bulsho oo aanay ka soo waaqsan isla markaana sahayday oo ka dhigay qaar ay soo weeraraan ciidamada itoobiya oo ilaa hadda faraha kula jira xaalada murugsan ee Soomaaliya.
waxay taasi keentay inay abuurmaan kooxo ka argagixiso ah oo si fiican uga dhex shaqeeya dalkaas Soomaaliya kuwaas oo ay hadda ugu fadalo cadcad yihiin budhcad badeedu laakiin suaashu waxay tahay maxaa wakhtigan xaadirka sababay inay budhcad badeedu soo shaac baxdo maxase keenay inay bishii ugu danbaysay xawliga shaqadooda sii labanlaabaan.
jawaabtu waxay tahay markii rajadii dhalinyaradu ay meesha ka baxday una muuqatay inayna xaalada dalkooda Soomaaliya inay ka sii darto mooyaane ka soo rayn lahayn.
waxa kale oo keenay inay sii labanlaabmaan halwgalada budhcad badeedu bishii ugu danbaysay markay arkeen lacagta adag ee sida dhibka yar uga soo galaysa. waxaana lagu joojin karaa arrintaa iyadoo bulshada caalamku u gurmato Soomaaliya iyagoo u sii maraya inay ictiraafaan marka ugu horaysa Somaliland.