Ilaa iyo dhamaadkii dagaalkii sokeeye ee dalkaas shiinaha 1949, Taywaan waxay ahayd wadan ka madaxbanaan dalweynaha Shiinaha, waagaas oo dawladii laga xooga roonaaday ay u soo firxatay jasiiradan, xukunka shiinahana uga yimaadeen jabhadii uu hogaaminayay ninkii shuuciga ahaa ee Maw Ziidoong.
Dawladu Shiinahu waxay wali ku sii adkaysataa inaan wadan kale aanu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelan karin, loona soo maro isaga , Taywaan sida la ogyahay waxay ka mid ahayd dawladahii aasaasay qaramada midoobay balse 1971 kii waxaa kaga adkaaday kursigeedii oo ku fadhiya dawladda shiinaha, isku dayyo badan oo inay dib ugu soo biirto ahina waxay kala huleeshay guuldarro.
Waxaa aad isu soo taraya tartanka dhinaca hubka ee ka dhaxeeya labadan dal, oo ay had iyo jeer Taywaan ku cabato inuu Shiinahu la soo liishaamayo boqolaal gantalaalaha wax-rogga ah, dawlada maraykankuna ay aad uga caawiso dhinaca milatariga dalkan yar ee nus qarniga kali jooga ahaa, oo ka dhigtay dawlad cudud ciidan oo lagaga waakado leh, waxayna tanni ka dhigtay dalkan dalka aduunku ugu hub iibsiga badan, Waashitoon iyo Bijiin na waxay ku coleebeen isla arrintan, oo inbadan shiinahau ku dacweeye maraykanka.
Dawladan yar ayaa dadkeeda waxaa lagu qiyaasaa 22.7 milyan ruux, waa dad ku hadla luuqada maandariin oo badiyaa Shiinaha lagaga hadlo, diimaha lagu haysto ayaa ah uguna mudan tahay Taw’iisam,Budhiisam, kiristanka ayaa ah diin sidoo kale dad badan oo dadkeeda ka mid ahi haystaan kuna camal falaan, waxyaalaha ugu badan ee ay dibada u dhoofiso waxaa ugu mudan looguna majeertaa qalabka kombiyuutarada, dharka, bacaha iyo qalabka ka samaysan balaastiga iyo sidoo kale xoogaa baabuur ah, ku darsoo waa caasimadeeda Taybee waxaa ku taal sarta caalamka ugu dheer oo dhererkeedu dhan yahay 101 dabaq, waxayna ilaa hadda samada ka soo eegaysaa caalamka ictiraafka iyo aqoonsiga haysta, kagana dheeraysay dhinaca culuumta kombiyuutarka.
Somaliland inkastooy ka nasiib wanaagsan tahay dalkaas, oo ay leedahay khayraad dabiiciya oo dhulkeeda ku duugan, xagga diblomaasiyadana kaga jaanis fiicantahay haddana wali waa inay dadaal badan muujisaa si ay caalamka hormood ugu noqoto dhinacyada kala duwan ee nolosha.
Tuesday, April 15, 2008
Waa Tuma Angela Merkel?

Magaceeda oo dhamays tirani waa Angela Dorothea Merkel, waxay sanadkii 1954 kii ku dhalatay gobolka Hamburg ee ku yaal bariga Germany, aabaheed Horst Kasner waxuu ahaa wadaad diinta masiixiga heer sare ka gaadhay.
Sanadkii 1978 kii Merkel waxay shahaada Ph.D ka diyaarisay maadada fiisigska, intaa ka bacdina waxay ka hawl gashay akadeemi dhinaca sayniska ku shaqo leh oo ka jira bariga magaalada Berlin, waxay ku biirtay xisbiga Christian Democratic Union (CDU) sanadkii 1990 kii- laba bilood oo kaliya ka hor intaanu dhicin midawgii Jarmalku, dhawr bilood ka bacdiba dawladii ugu horaysay ee uu hogaaminayay Helmut Kohl ayay ka mid noqotay golahiisii wasiirada iyadoo loo magacaabay wasiirka haweenka iyo dhalinyarada balse markiiba waxaa loo arkay gabadh aan ku haboonayn xilka loo magacaabay oo waxay saxaafada kala kulantay dhaleecayn iyo ceebayn joogto oo ay ku sheegi jireen inay tahay gabadh aan lahayn dookh siyaasadeed oo uu Kohl ku kalifay xil aanay qaadi karayn, waxaanay ugu yeedhi jireen had iyo jeer magaca ah “das Madchen” oo macnaheedu yahay inantiisii.
Sanadkii 2000 bishii april Angela Markel waxaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga CDU ka dib markii ay xisbiga soo food saartay fadeexad maaliyadeed oo hor lahi, waxaana daadafaysay Merkel war sheegayay in laaluush la bixiyay si Sucuudiga looga iibiyo kaarayaal lagu farsameeyay wadankaas, waxaanay noqotay taageerayaashii ugu cadcadaa ee markaliya ka xuub siibtay Kohl taas oo ka dhigtay gabdh magac iyo sumcad ku dhex yeelata bulshada Jarmalka loona arko qof ka madax banaan siyaasagaa lagu eedayn jiray inuu isagu ku ababiyo mabaadidiisa iyo aragtiyaha uu qabay
Xagaagii sanadkii 2005 waxaa Angela Markel lagu daray dadka saadaasha iyo laydha siyaasadeed muujinayso inay badalayaan hogaamiyii hore ee Jarmalka Gerhard Schroeder, taas oo ay halgan iyo dadaal adag u gashay sidii ay ugu guulaysan lahayd doorashadii halkaas ka qabsoomaysay bishii September, doorashadaas oo ay u sharaxnayd xisbiga CDU ayaa noqday mid aad la iskugu dhawyahay oo qole waliba ku dooday inay iyadu xaq u leedahay inay hogaanta iyo talada dalka taabto- xisbiga CDU waxuu helay 35.2% cododkii la bixiyay waxaanu 3 kursi oo kaliya dheeraa xaga baaralamaanka xisbigii uu watay Gerhard Schroeder ee SPD (Social Democrats).Markii ufadii iyo ceeryeentii siyaasadeed ee hadhaysay dalkaasi ee ka dhex aloosnayd labada xisbi ee tartanka xoogani ka dhexeeyay ay kala dagtay isla markaan lagu qancay inuu guusha helay xisbiga CDU; Angela Markel waxay noqotay gabadhii ugu horaysay, qofkii ugu da’da yaraa iyo hogaankii ugu horeeyay ee ka soo baxa Jarmalkii bari waxaana lagu tilmaamaa gabadh adag oo aan xageeda looga soo dhicin dalkeeda iyo dadkeeda isla markaana ku adag jacaylka ay u qabto wadankeeda Jarmalka.

Baanka Aduunka Oo Korodhka Qiimaha Maciishada Ka Dayriyay

Wuxuu qirtay Robert Zoelick oo ah madaxa baanka aduunku in kor u kaca baaxada weyn ee qiimaha maceeshadu aduunku samada isku sii shareerayo ay saamayn xun ku leedahay wadanada saboolka ah, waxaanu sheegay in korodhkaa cuntada uu keenayo inay dib u dhaco uu ku yimaado dadaaladii loogu jiray in lagu yareeyo saboolnimada caalamka dibna uu u ridi karo mudo dhan 7 sanadood oo danbe.
Waxuu soo bandhigay Zoelick in qiimaha qamadida oo kaliya uu kor u kacay sanadkii laga soo gudbay qiyaas dhan 120%, halka qiimaha bariisku uu kor u kacay 75% labadadii bilood ee ugu dnabeeyay oo kaliya, waxa kale oo intaa ku sii daray in isu geyn qiimaha maceeshada aduunku uu kor u kacay 83% seddexdii sanadood ee laga soo gudbay, sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixintan in 2 kg ee bariiska ah ay kala badh dakhligooda ka yihiin qoysaska saboolka ah ee ku nool caalamka seddexaad, isagoo aad uga walaacsan qiimo korodhka naxdinta leh ee caalamka la soo darsay dhamaan, gaar ahaan saamayntiisu ku qotonsanayso dalalka faqriga la liita, waxuu soo jeediyay in sanadkan gudahiisa dawladaha deeqda bixiyaa soo gubiyaan aduun dhan $500 malyuun oo doolar oo caawimo lagaga geysanayo dhinaca cuntada, meelna la iskula dhigo heshiis cusub oo uu ugu magac daray Siyaasada Cusub ee Cuntada Caalamka; dhinaca kale waxay wakaaladda tamarta aduunku ka digtay warbixin ay soo saartay doraad inuu hoos u dhac la dareemi karaa ku yimid dalabkii baatroolka sanadkan gudahiisa taasina aanay waxba ka badalin sidii la filayay qiimaha cuntada aduunka sii siyaadaysa iyadoo ay jiraan dawlada aad u isticmaalaya oo baahi weyn u qaba baatroolka sida dawlada Shiinaha iyo Hindiya.
Korodhkan qiimaha cuntada ku yimid ayaa saamayeey dhamaana laga dareemay caalamka isla markaana dawlado door ahi ka qaateen siyaasado muuqda oo wax lagaga qabanayo ama lagaga sii gaashaamanayo dhibaatada horta leh ee soo wadaan, waxaa dawladahaa ugu muhimsan dawlada Faransiiska oo dhawaan qaadatay siyaasad lagu caawinayo qoysaska saboolka ah ee balaadhan taas oo loogu fududaynayo qiimaha gaadiidka dadweynaha sida tareenada iyo basaska iyo adeega kale ee guud tan oo sida la sheegay qayb ka ah siyaasad ay kaga jawaabayso dawladaasi mashaqadan caalamka soo waajahday.
Bangaldesh oo ah wadanada dhaqaalahooda ku tiirsanaa bariiska ayaa ka taagantahay jahawareer dhinaca cunada ah taas oo keentay in qiimaha bariisku 6 laab ka bato intii hore looga bartay, dawlada oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa waxay furtay kaydkeeda qaranka ee cuntada iyadoo qiimo dhimis ka yar intuu suuqa marayo 25% ku iibinaysa, balse taasi waxay u soo jiiday in maalmo gudahood lagaga soo baxo oo lagu laasto istoodhadii dawlada, waxaanay maanta Tv yada iyo idaacadaha dalkaas dawladu ku baryootamaysaa in dadweynaha seddexda wakhti hal mar wax cunaan, halka wadanka Filibiin ciidamada lagu fasaxay inay xoog ku iibiyaan bariiska ay ganacsatadu u kaydsatay si ay uga faa’iidaystaan qiimo korodhkan dhacay ka dib markii dadku weel madhan isla daba wareegay wadankuna ku sigtay inuu ku dhaco maamul la’aan. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegay ina rai’iisal wasaaraha Malaysia Cabdalla Badawi uu doonayo inuu is casilo ka dib markii ay ku cadaatay inuu maamulkiisu ka gaabiyay horumarinta wax soo saarka beeraha wadankaas oo keentay in bariisku cirka gallo.
Waxaas oo dhan markaynu isku duubno cidda khatarta ugu badan ku jirtaa waa shacabkeena u badan qaddaa ma dhargaha ee maalin kasta hal mar cuna saxanka bariiska ee aynu soo aragnay wadanadii beeran jiray dhibaatada ay ugu jiraan inay deeqsiiyaan dadkoodii, inaguna ka sugayno markab inooga yimaada xagooda, waxaa maanta muhim ah intaanaan ku dhicin meel madhan inay ka gaashaamano oo aynu ka faa’iidaysano roobka raxmaanka laga eegayo oo ku beerano gallayda, heeda iyo hadhuudhka sida hagar la’aanta ah dhulkeena ugu soo bixi kara hadii loo hawl gallo si looga maarmo mashaqadan aduunka oo dhan soo foodsaartay oo ah mid aan ilaahay inagu qaban ee aynu inagu eedeeda leenahay waxii ka yimaada.

Faalada Bogga Ee Ku Saabsan Xaalada Hadda Somaliland Marayso
Laga soo bilaabo tan iyo markii la aasaasey, dhidibadana loo taagay qaran madax-banaan oo Somaliland loogu wanqalay, waxaynu kusoo dhaqmayney wada-tashi, isu-tanaasul iyo hogo-tusaaleyn marba lagaga gudbi jirey xaaladdaha taagan, laguna furdaamin jirey marxalad walba iyo hadba wixii khilaafa ee soo baxa.
Sooyaalkaa taariikheed wuxuu ku dhisnaa hab-beeleed iyo taladda oo hal-door ay ka ahaayeen odayaasha, cuqaasha iyo wax-garadka dalku, waxaana ka dib loo guurey axdi-qarameed dhalay nidaam dawladnimo oo distooriya taas oo shacabka JSL si kalsooni baaxad lihi ku dheehan tahay ugu coddeeyeen aqlabiyad 97%, maalintaas oo ay si wada-jira u dhaqan gashey dawladnimada ama gooni-isu-taagga JSL iyo dastuurkii ay ansixiyeen goleyaashii iyo xukuumaddii marxuum M.X.I. Cigaal, hawshaas qaran ee waaggaas fushey waxay jawaab waafiya u noqotey su’aasha ah dadka JSL ma u dhan yihiin gooni-isu-taaggii lagu dhawaaqey 1991kii.
Maalmahaa laga soo bilaabo waxaa si toos ah u hirgashey dawladnimo, dastuurku yahay saldhigga iyo awoodda ugu sareysa ee hagaysa umadda, halbawlena u ah wixii umadda JSL ku heshiiyeen. Nidaamkaasi oo dhalay dimoqraadiyad ku salaysan hanaanka asxaabta badan. Haddaba iyadoo laga duulaayo waxaas la dhigtey ayey dawladnimada dalkeenu ka kooban tahay saddex waaxood oo kala ah Fulin, Xeer-dejin iyo Sharci-Illaalin (Executive, Parliamentary and Judiciary) oo laga soo min-guuriyey hababka dawladaha la yidhaahdo jamhuuriyad-madaxeedka (Presidential Republics) ay ku shaqeeyaan. Waxaa kale oo iyana dawladnimadeena iyo dastuurkeenuba ahmiyad siinayaa doorka Saxaafadda iyo qaybaha kala gadisan ee bulshadda… intaas oo idil waxay hayaan waajibaadyo kala gadisan oo isugu soo biyo-shubanaaya isu-dheeli-tir iyo addeeg-bulsho oo loo dhan yahay (Check and balance).
Haddaba, su’aasha meesha taala isla markaana in la isweydiiyo mudan wakhtigan xaadirka ah ood moodo in siyaasadda Somaliland qas iyo iska-daba wareeg ka muuqdo, waxay tahay Waa maxaywaxyaabaha JSL ka socon laadahay ama ay u dhutineyso muddo 17-sannadood laga jooggo gooni-isu-taaggeedii?
Si aynu su’aashan jawaab waafiya oon xaglin, xag-xagasho iyo xag-jirnimoba ka madhan tahay, balse ku qotonta xaqiiqda iyo waayaha bulshadani la kacaa-kufayso, waxaynu qaadaa-dhigi doonaa qoddobadan hoos ku xusan, iyaddoo garsoorkeedana akhristeyaashu ka xeer-beegti yihiin;
DISTOORKA JSL
Waxaynu la soconaa in dastuurkeenu yahay kan xeer ahaan ugu sareeya ee aynu dhiganay isla markaana waajib tahay ku dhaqankiisa, dabaqidiisa iyo ilaalintiisuba. Waxaa kale oo aynu ka dharagsanahay in dastuurkeenu ixtiraamaayo diinta ISlaamka wixii ka hor-imanaayana uu xaaraatimeynaayo, isla markaana waajibinaayo ilaalinta qaranimadda JSL, adkeynta nabad-gelyadda iyo hannaanka wada-tashiga. Arrinta kale ee xusidda mudanina waxaa weeye, sida Diinteena ISlaamku u adkeysey una waajibisey ilaalinta iyo xaq-dhawrka wixii umaddi ku heshiiso… taas oo ay marag u tahay sidii wacneyd ee heerka-sare ahayd ee Rasuulkeenii, Imaamkii anbiyaddu Muxamed (N.N.K.H) ee uu u adkeyn jirey heshiisyada ay xukuumaddii islaamku gali jirtey xataa haddii umaddo diin kale haysta wax lala meel-dhigaayo..Haddaba waxba yaan arr-aartu ila durkine, aan usoo noqdo dulucdee, JSL sideebey u xaq-dhawrtaa waxay dhigteen. Runtii xaq-dhawrka sharciyadda dalkeena waxaa ka muuqda god-daloolooyin fara badan, sida hanaan la’aanta iyo gaabiska ka muuqda maxkamadaheena sare iyo dastuuriga oo mid kaliyaata isku ah, waxaa kale oo god-daloolin ka muuqdaan nidaamka fasirida muranada kasoo baxa qoddobada dastuurka,, oo ay ahayd in xeer cad oo tafatiran oo fasiraaddi jiro (interpretation schematic code)… waxaa arrimahaas marag ma doon u ah khilaafkii ka dhashey furashada ururada siyaasadeed iyo axsaabtani ma ku meel-gaadhbaa mise waa joogto.. arrintaasi waxay in badan bey inagu soo jiitantey, murankeeduna xadhig gaadhey, waxaa kale oo iyana jirtey arrintii mudo-kordhinta guurtidda oo in kasta oo maxkamaddu riday, haddana buuq ka dhashey, waxaa kale oo iyana uguba, oo khilaaf iyo dhawaaq dheeri ka jiraa qoddobka loo cuskanaayo muddo-kordhinta xukuumadda taas oo aan muran ka jirin in ay golaha guurtidu kordhin karaan, balse muranku yahay sida ay u kordhinayaan, iyo sababeyntey raacinayaan maadaama dastuurku shuruud ku xidhey. Shuruudaas oo ah in ay dalka ka jirto fawdo, ammaan darro ama dagaal ku jiro., taas oo guurtidu xalaaleynteeda u cuskatey inay amaan darro gobolada qaarkood ka jirto, sida ka muuqatey wareysigii g/xigeenka 2aad ee golaha odayaasha guurtiduna waxaa uu aad u difaacey go’aankooddaas, isagoo sheegey inaanu dalku ahayn oo kaliyaata Hargeysa iyo Burco sida uu hadalkiisa u dhigey. Markaas haddaba gara’oo gobbaladii kale ma ammaan daraa? Dadweynuhu ma arkaan xaalad cakiran oon sinaba doorasho u saamaxaynin? Xukuumaddu arrinkaas odayaasha ma ku raaci doontaa, mise waabey siday rabtey oo wixii laga filaaba waa way saxsan yihiin odayaashu? Maxkamadda sare, haddii laga heshiin waayo, sidey wax u fasiri doontaa?
Gunaanadka arrimaha dastuuriga ah waxaan kusoo afmeereynaa in dastuurkeenu uu leeyahay isaga laftiisu dhaliilihiisa, taas oo u baahan in caqli, wada-tashi iyo xeerin dan guud lagaga arrinsado wixii isaga laga waayo, maxkamadda dastuuriguna hawlaheeda qabsato ooney cidna u habran illaalisona madax-bannaanideeda si loogu kalsoonaan karo,
NABAD-GELYADDA DALKA
Nabadgelyadda oo ah tiir-dhexaadka jiritaanka umadda JSL, ahna ta ay ku faanto ee ay asaageed ku dheeftey, kagana raysey caddaw fara badan oo dibin-daabyadeeda jecel, ayaa baryahan dambe aad mooddaa in muran la galinaayo. Waxaa dadka reer Somaliland baryahan dambe isha ku hayaan arrimaha qaraxyadda aan dhibaatada gaysan ee argagaxa iyo sumcad darrada abuurey , taas oon ilaa hadda la garan kareyn cida ka dambeysa iyo ujeedada ay salka ku hayaan.. ee arrintan aan dalka looga baranin daaran tahay.. waxaa deg-deg iyo ka fiirsi la’aan buuxda lagu tilmaami karaa hadaladii wasiiru-daakhilaga ee uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey qaraxa iyo aafadiisaba..arrintaas oo u muuqata ku talax-tag arrimaha kala jiidashada shacabka iyo olelaha doorashada oo meel xun inaga gaadhey, maadaama oo aanay wali si rasmiya u cadayn arrintaas hay’adihii ku shaqada lahaa oo aanu dhammaan nidaamkii baadhiseed, isla markaasna aaney cidna maxkamadd loo soo taagin dambigaas kuna caddaan…mana fududa ku eedeynta arrimahaas dibin-daabyada bulshada ku ahi xisbi qaran iyaddoo dambiyo hore oo Kulmiye ku eedeysnaa aan wali lagu cadeynin sida idaacaddi horyaal ee loo jabiyey xarunta xisbigaas. Waxaa mudan in waaxaha dambi-baadhistu deg-deg usoo caddeeyaan cidii soo abaabushey qaraxyaddan, maxkamadna la geeyo si loo abaal mariyo caddawgaas abuuraaya kala-shaki iyo burburin lagaga soo horjeedo qarannimada JSL oo haatan uun qaan-gaadh ah lana filaayey in la midho-dhaliyo himiladeedii mustaqbalkan dhaw…
Waxaa kale oo iyana xusid mudan, xadhiga lagula kacay masuulka gobbolka hargeysa ee xisbiga Kulmiye Mr. Xamarji oo ahaa mid aan loosoo marin nidaamkii ay ahayd in masuul lagu xidho..kaas oo haba-la-dedejiyee u baahan inuu maro jaran-jaro sharciyeysan oo qeexan. Taasi waxay gundhig u tahay in qofku yeesho mudnaan (Immunity).
ANSHAXA SIYAASADEED
Marka laga hadlaayo anshaxa siyaasadeed iyo habka cabiraada ra’yiga siyaasi ee dadku isku dhaafsadaan saxaafadda iyo saaxadaha kaleba waxaa ay tahay arrin laga dheegan karo, lagana xigan karo ilbaxnimada iyo bislaanshaha siyaasadeed iyo dawladnimo ee ay bulsho leedahay. Haddaba, maalmihii u dambeeyey iyo marka xiisado siyaasadeed yimaadaanba waxaa saxaafadda lagu arkaa anshax xumo hor leh oon ku habooneyn bulsho-haldoorkeed inay isweydaarsadaan..waxaad moodaa in siyaasiyiinteenu dhinacey doonaan ha u hadleene aanay xil badan iska saarin kala doorashada iyo xulashada ereyada ay wax ku cabbirayaan, kuna doodayaan oo u badan tiraab aan farsameysneyn, farsahaxinimo iyo xeerin toona ka muuqanin….tusaale ahaan erayada la isticmaaley ee saxaafadeenana lagu duugey waxaa ka mid ah: in masuul, masuul kale ku tilmaamo ilmo-furaash, ka kalena ku jawaabo mu’aamarad dilbaad gashey, in mas’uul qaran la isir taabto, iyo tu kaloo ka daranbaa jirtee taana aan bal sheego.. in masuul, masuul kale ku tilmaamo dhadig..in masuul wax ka sheego marwooyinka.
Haddaba intaas oo dhammi waxay tusaale u yihiin sida siyaasiyiinta maantu u gabeen inay wado iyo ku deyasho suubban u tusaan jiilasha yaryar ee ay haldoorka iyo tusaaleha u yihiin,, waana arrin gabi ahaanba reeban…dhaliisha waxaa lagu cabbiri karaa cay la’aan iyo iyadoo loo baahan aflagaado.
SILICA UMADDA
Waxaad la socotaan akhristeyaal, in miciishaddii daruuriga ahayd cirka isku shareertey oo cidhiidhi gashey, quudashaddiina maanta noqotey mid aanu awooddin qaadaa-ma-dharguhu…waxaa la yaab leh in wiigagii ugu dambeeyey uu raashinku libin-laabmey…oo aanu awooddi kareyn iibsigooda qoyska dalka gunnada yari kasoo gasho..intii dibadaha laga biilin jireyna qaylo bilaabeen…ganacsatada jeebka waaweyn ayaa noqdey shilin ama dulin ku dul-nool dan’yarta oon u naxayn…bakhaaradda kaydka raashinka ayaa la qufuley si looga faa’iideysto kalifaada shacabka masaakiinta u badan…qiimaha qaadka ayaa isna kor usii kacaaya iyadda oon dawladdu cashuur dheeraada oo ay dadka wax ugu qabato saarin, balse suuqyadda itoobiya ay wax ka kaceen…korodhka raashinka waxaa weheliya dhammaan agabka dhisme, xidhasho iyo isticmaalideed oo isna korodh laxaad leh samaynaaya…isweydiintu waxay tahay ninka doorkan maanta ah u doonyeystey madaxnimo, uba diidi meynee aaway dadkii u codeyn lahaa saw kuwan quutal-daruurigii, iyo noloshiiba lagu cidhiidhyey ee ay bastood busaarad, abbaar, faqri iyo caddaalad darro hadheysey.
Xalku wuxuu yahay umaddani maanta daajiyey u baahan tahee, saalax-waate uma baahna, mufakir bey u baahan tahee, munaafaq uma baahna, nin u talieyey u baahan tahee, nin u abtiriya uma baahna..nin u shaqeeya oo isu arka jaarri umaddu leedahay bay u baahan tahee, nin ka shaqeysta uma baahna..taajir quudshey u baahan tahee, mid mamey oo dhiig-miirta uma baahna.. oday milgaha dhawroo, dadka isku wadey u baahan tahee mid xagliya uma baahna… ugu dambeyn dalkani wuxuu u baahan yahay inay cid waliba waajibkeeda kasoo baxdo..

Subscribe to:
Posts (Atom)