Tuesday, April 15, 2008

Taywaan: Wadan Nus Qarni Halgamay

Ilaa iyo dhamaadkii dagaalkii sokeeye ee dalkaas shiinaha 1949, Taywaan waxay ahayd wadan ka madaxbanaan dalweynaha Shiinaha, waagaas oo dawladii laga xooga roonaaday ay u soo firxatay jasiiradan, xukunka shiinahana uga yimaadeen jabhadii uu hogaaminayay ninkii shuuciga ahaa ee Maw Ziidoong.
Dawladu Shiinahu waxay wali ku sii adkaysataa inaan wadan kale aanu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelan karin, loona soo maro isaga , Taywaan sida la ogyahay waxay ka mid ahayd dawladahii aasaasay qaramada midoobay balse 1971 kii waxaa kaga adkaaday kursigeedii oo ku fadhiya dawladda shiinaha, isku dayyo badan oo inay dib ugu soo biirto ahina waxay kala huleeshay guuldarro.
Waxaa aad isu soo taraya tartanka dhinaca hubka ee ka dhaxeeya labadan dal, oo ay had iyo jeer Taywaan ku cabato inuu Shiinahu la soo liishaamayo boqolaal gantalaalaha wax-rogga ah, dawlada maraykankuna ay aad uga caawiso dhinaca milatariga dalkan yar ee nus qarniga kali jooga ahaa, oo ka dhigtay dawlad cudud ciidan oo lagaga waakado leh, waxayna tanni ka dhigtay dalkan dalka aduunku ugu hub iibsiga badan, Waashitoon iyo Bijiin na waxay ku coleebeen isla arrintan, oo inbadan shiinahau ku dacweeye maraykanka.
Dawladan yar ayaa dadkeeda waxaa lagu qiyaasaa 22.7 milyan ruux, waa dad ku hadla luuqada maandariin oo badiyaa Shiinaha lagaga hadlo, diimaha lagu haysto ayaa ah uguna mudan tahay Taw’iisam,Budhiisam, kiristanka ayaa ah diin sidoo kale dad badan oo dadkeeda ka mid ahi haystaan kuna camal falaan, waxyaalaha ugu badan ee ay dibada u dhoofiso waxaa ugu mudan looguna majeertaa qalabka kombiyuutarada, dharka, bacaha iyo qalabka ka samaysan balaastiga iyo sidoo kale xoogaa baabuur ah, ku darsoo waa caasimadeeda Taybee waxaa ku taal sarta caalamka ugu dheer oo dhererkeedu dhan yahay 101 dabaq, waxayna ilaa hadda samada ka soo eegaysaa caalamka ictiraafka iyo aqoonsiga haysta, kagana dheeraysay dhinaca culuumta kombiyuutarka.
Somaliland inkastooy ka nasiib wanaagsan tahay dalkaas, oo ay leedahay khayraad dabiiciya oo dhulkeeda ku duugan, xagga diblomaasiyadana kaga jaanis fiicantahay haddana wali waa inay dadaal badan muujisaa si ay caalamka hormood ugu noqoto dhinacyada kala duwan ee nolosha.

No comments: