Wednesday, June 3, 2009

31 Kii May: Qiyaamahii Hargeysa

Marka laga hadlayo ama la isku dayo in wax laga yidhaahdo maalmahii halgankii dib u xoraynta Somaliland, waxa jiray ayaamo si gaar ah taariikhda ugu xardhan, isla markaana badalay itijaahii jiyo-siyaasaded ee dagaalka. Isla markaana si kastoo looga digtoonaado bogaga taariikhdu ku dhex leh baal widhwidhaya oo markaba isha akhriyaysa sida birlabta u soo jiita. Maalmahaasi waxay ahaayeen kuwo iskugu jira kuwo qadhaadh oo ku suntan guuldarro iyo kuwo ku tilmaaman guulo hor leh oo halyeyadii ururkii xaqudirirka ahaa ee SNM ka soo hoyeen dagaaladii faraha lagaga gubtay ee lala galay taliskii dadqalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre; guulahaas mararka qaar waxa ku adkaanysa qofka kasta oo isku daya inuu kala abla-ableeyo ama kala hormeeyo ayaamahaas inay qaarkood ay adkaataba sidii ay ugu kala bixi lahaayeen kaalinta hore tan loo hanaynayo. Way badnaayeen maalintaasi, waxaana mudnaan badan lahaanaya dagaalkii guda-galka ee 27 kii May isagu Burco lagu qabsaday. Waxa jiray dagaalkii Buuraha, kii Col. Cabdilaahi Askar lagaga jabsaday ubacdii taliska guud ee Qaybtii 26 aad ee Ciidamaddii Afweyne, Burca-duuray, Jabintii Jeelka Madheera, iyo qaar kaloo badan oo aanan qalinku ku dhex hafanayo haddii uu tiri yidhaahdo. Maanta ujeedadaydu waa inaan ku koobnaado, dagaalkii Hargeysa lagu soo galay 31 kii May 1988 kii. Maanta waxaa ku koobnaanayaa dagaalkii.
Dhamaan dagaaladaa aynu soo sheegnay waxay ahaayeen kuwo dhabarka iyo xanjaadka ay kaga jabeen taliskii uu mayalka u hayay dhiigya-cabkii Siyaad Barre, laakiin intaa oo kaliya ma ahayn, waxa jiray kuwo badan oo aan laga geyoonayn hadii qalinka loo qaato, balse anigu maanta tan aan qalinka u qaatay waxay tahay 31 kii May, waa maalintii ciidamada SNM ay dagaalkii gudagalka ay ku ekeeyeen magaalada Hargeysa, waa dagaalkii ciidamadii faqashta ee naf-la-caariga ahaa caynka iyo baydaba u gooyay, ma aha mid aan ka xigsanayo, oo aan uga qaraaba-kiiley dagaalkii ka horeeyay ee ka saamaynta badnaa ee Burco ay mujaahidiintii SNM ka dhex onkodeen 27/05/1988 kii, sababta aan u soo xushay waa taariikh ku beegan maanta. Waxaan jecelahay inaan is-dul taago saamayntiisii uu ku yeeshay, bulshadda iyo dareenkoodii maalintaasi taagnaa. Muuqaalka aan halkan ku soo koobayaa maaha muuqaal goobjoog u ahaa, balse waa mid aan ku soo warinayo indhaha iyo dhagaha waalidkay, gaar ahaan hooyadey iyo ayeyday.
Markii ciidamada SNM ay gundhada u soo galeen magaalada Burco seddex maalmood ka hor, waxay bulshada Hargeysi ahaayeen kuwo la daris ah laba dareen, mar waa mare, waxay ahayd farxad iyo nayaayir ay ugu diyaargaroobayeen soo farxada gudcurka dayaxu ku soo baxay iyo gabalka u damay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre ee xasuuqa, dilka, dhaca iyo barakicintaba ku hayay bulshada, marna waxay ahayd mid xanbaarsan dareen murugo leh oo ay hubeen in ciidamadii Afweyne ay cadhada kula dhici doonaan maatida oo camal iyo caadabo u ahayd markasta oo tani dhacdo inay wisiisiga iyaga kula dul kufaan.
Waxa juuq iyo jaaqba gabay guud ahaan magaalada, waxa la isweydiinayay talaw ma aamusnaantii duufaanka ka soo horayn jirtaa??! Mise waa mid intan uun ku eeg oo SNM dhoola-tus milatari oo kaliya ayay ka ahayd? Waxa magaalada sida qashinka loogu soo qubay ciidamo u badnaa maleeshiyaadkii qaxoontiga ahaa ee Siyaad Bare hubeeyay ee loo yaqaanay "Dabar-goynta". Ciidamadda intii kale, waxay bilaabeen inay galaa-bixiyaan magaaladda. Waxay ahaayeen kuwo kuwo talladood fara ka haaday oo keeb la yuurur ah, magaaladu waa bandoo. Moobil ileen ma jirine dayrarka iyo daaqadaha ayaa warka la iska soo tabinayay, lama garanayo meel Allaale meel loo baxsado, qof kastaa wuxu dareemaya inuu xero oodan libaax dad cuna ugu dhex jiro oo isaguna kadinkii ka taagan. Mid jigne hela iyo mid sarabad qaata iyo mid dantu ku kalifto mindiba waxa guryaha dayrarkooda laga qotay godad loogu tallagalay in dahabka iyo alaabta kale ee qaaliga ah lagu xabaalo iyadoo la hubay in laga yaaci doono magaalada isla markaana goor aan fogayn lagu soo laaban doono. Waxa siliiga iyo jiingada kala dhexdooda lagu qariyay doobabkii iyo gashaantiyahii si aanay ciidamada nafnaca ah ee Afweyne ciilka ugu sii galaafan. Ninkii abti, seedi iyo ehelnimo kalaba cid uun kaga baxsan karayay seefta Afweyne hore ayuu isku meeleeyay, talaw goormay xabadu bilaabi doontaa oo sida hilaaca idiinka hiilan doonta gudcurka idinku hawaara ayaa la isweydiinayay.
Waa sidii loo kala calool adkaaye ;dadka qaar waxay sii kariyeen ducooyin iyo cunto ay ugu talagaleen marka mujaahidiintu soo galaan in lagu sooro, wax la dhawraba oo la sahadiyaba waxa soo yeelyeeshay oo cirka isk qabsaday daruur madaw oo dhanka bari ka soo kacday, isla wakhtigaas waxa goosgoos loo maqlayay gariirka meel fog dhagta kaga soo dhacaya ee odorasaya in dagaalku soo gurguurnayo. Daruurtii waxay soo onkado oo isa soo cuntaba goor cawaysinkii ah ayaa dhibica dhulkii qalaylka ahaa sida rasaasta uga danab kacay intii aan daadku qulqulin, roobkaasi qiyaas ilaa 12 kii habeenimo ayuu da’ayay, jiif uma yaalo eh, waxay dhagta u raariciyaan ee onkodka kolba moodaan dayaanka madaafiicda ee dhibica jiingada ku darandoori dhacaya u haystaan rasaas, roobkii ayaa qaaday, abaaro 2 habeenimo iyo dheeraad ayaa la iskala soo galay dhinaca Sh. Cumar (koonfur galbeed ee hargaysa), oo feedha ka wareemay halka maanta ah Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo barigaa xarun u ahayd qaybtii 26 aad ee waxii loogu yeedhi jiray Ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxaa halkaa joogay oo habeenkaa ku xaadir ahaa dadqalkii weynaa Gen. Moorgan, oo markuu xejin waayay, naftii ula cararay dhinacaa iyo madaarka. Wax xabada la isku lisaba waxaa ciidankii xaqudirirka ahaa ee SNM ay sida daadka u jiidheen faqashtii oo qaarkood ku dhuunteen dayrarkii guryaha oo xeryaha riyaha isku soo xidheen, waxay labadaa ciidan ee Airport ka iyo kuwii Sh, Cumarba u soo kaceen dhinaca Idaacada oo markii horaba saraakiisha milatari ay Istaraatijiyadooda ku soo dajiyeen. Waxaa markiiba dhex raacay oo ciidankii dibada ka soo galay, ku biiray kooxahii gudaha ee markii horeba heegan ahaa, waxa samaysmay guutooyin dhan oo magaalada laga abaabulay oo shacabka ka tirsanaa, waxa is qabsatay mashxarada, waxa is helay indho isku buseeley; oday iyo xaaskii, mujaahid iyo hooyadii, waxa mujaahidiinta maalintaa halheys looga hayaa “Hadaan Hargeysa soo galay geeridaydu waa xalaal”. Dib u dhalasho ayay ahayd, waayo dadka mooraalkoodu aad bu u hooseeyay waxa maalmo ka hor heshiis wada galay labadii kalidii taliye ee kala hogaaminayay nidaamyadii dhargiga iyo faqashta; waa Migiste oo Itoobiya madaxweyne ka ahaa iyo Maxamed Siyaad Barre. 
Annagu waxaanu daganayn xaafadda Bada-cas. Aabahay dalka waa uu ka maqnaa, waxa uu ka shaqaynayay oo uu jooga Sucuudi Carabiya. Waxa uu ka mid ahaa agaasimayaashii dawladda Siyaad Barre, ee mar kaliya xilka laga wada qaaday hayb ahaan dhawr iyo todobaatankii ee Sucuudiga u tacabiray, ka shaqo-galay, markii danbana ka mid noqday xoogagii awooda dhaqaale la garab taagnaa ururkii SNM. Nooma iman karayn oo wuxuu ku jiray "wanted list" ka, sidii qof waliba uu ugu jiray oo haybta "Isaaq" wataa ugu jiray. Isla wakhtigaas, ciidamadii nabadsugidda NSS ta oo la yaqaanay "Dhabar-jabintu”, maalmo yar uu ka hor 31 kii May 1988 kii waxay qabteen adeerkay Maxamed Cabdillaahi Qaalib, oo ka mid ahaa odayaasha magaaladda Hargeisa. Dib looma arag, xaafadiisiina way ka quusteen una qaateen in bari horaba ay seefta Afweyne jiidhay, waxaanu ka mid ahaa tobanaankii kun ee lagu xasuuqayay xabaalaha Malka-durduro. Nasiib-wanaag, waxa uu ka mid noqday hanbaddii ugu danbaysay ee ka badbaaday seeftii dadqalka. Isagoo tiirka ku xidhan la xaga Ilaahay ka badbaaday, ee maanta ka warami kara taariikhda madoobayd. Waxa isaguna dil toogasho ah ku lagu xukumay, balse xabsi dheer loogu baddalay adeerkay kale Cumar Carte Qaalib, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii waaweynayd ee Soomaaliya labadii dal ee la isku odhan jiray, oo isaguna wakhtigaas ku jiray xabsigii Labaatan Jiraw.
Waxa dilaacay oo indhaha kala qaaday waagii, waxa iyaguna isla markaa soo hamaansaday madaafiicdii heedadawga iyo yool la’aanta ahaa ee faqashta dhinaca koonfureed magaalada kaga soo hurgufaysay, kuwaas oo si garbo siman ah si aan arxan, naxariis iyo dadnimotoona lahayn lagu guraacayay magaalada, waxa isqabsaday uurada, boodhka iyo qiiqa –maxaa caruur la jiidayaa kaba la’ oo Karin la’, maxaa hooyo shalmadii soo ilawday oo kabna lulaysa kabna laalidaynaysa caruurteedii oo hor tuban hadana raadinaysa –waxa loo yaacayaa dhankaa iyo jihada Waqooyi hada waa halka ay ku sii hoobanayaan madaafiicdu, waxa la kala garanwaayay meydkii iyo dhaawacii, waxa qaarkood malaha waa kuwii ugu nasiibka badnaaye –guryaha madfacu ku dhex aasay qoysas badan, halka qaar kale ay haada, tukaha iyo jiirku saami u kala qaybsadeen meydkoodii oo dariiqyada wadhnaa -wax la qaadi karayaa ma jirto, dadku ka igu badani gal-barkimo oo bariis iyo sonkor degdegii iyo firkanixii meel la isku geeyay ayuu la ordayaa. Anagu waxaanu naf la caarigii u yaacnay dhinicii kawaanka; waa halkee waa xaafadda malka durduro oo xasuuqa ugu ba’an ka socday. Waxaanu miciin bidnay guriga awoowo 300 meter u jiray xarunta taliskii dadqalka Afweyne. Halistii aanu galnay sibay nasiib noogu yeelatay, waayo madaafiic ku soo dhacaysay halkaasi may jirin. Ta ka sii xun se waxay ahayd, in aanu mar kastaba halis ugu jirnay inta nala duubo nalagu daro inta la xasuuqayo. Madfacu dushayaduu ka dhacayaa. 7 cisho markii aanu ku jirnay ayaanu dooxa marnay. Waxaanu u soconaa isla halka ay xabadda xasuuqu ka dhacayso, xabaalahi malka-durduro xabad ayaa nalaga hor keenay qof kastaa meel ayuu ka dhacay. Mar danbe ayay naïf na geysay Xaraf, oo ku taala duleedka galbeed ee Hargeysa. Aniga waa la I xanbaarsan yahay. Xaabaale ayaanu marnay, haddana Sayla, haddana Wada-bariis, sidaas ayaanu xadka Itoobiya kaga talawnay, aakhirkiina aanu degnay Qudhaca, lanoona diiwaangaliyey Xeradii Qaxoontiga ee Dulcad. Wakhtigaas aanu sii baxaynay waxa sida ayaxa uga soo uugaamay iyana dhanka madaarka ka soo duuley diyaaradahii Afweyne oo xamuulkii wadka ahaa ee ay sideen magaalada dhexdeeda ku sii dhex daayay, geeridu shacabka iyo maatidu tiro male, dhaawacan hadalkiisa daa waliba waxa dheer inta la waayay ee meel lagu tiriyo aan la hayn. Diyaaradahaas waxaa loo bixiyay markii danbe Caasha-Biyo-Sida, waxa loo yaacay deegaanada Anayo, Biyo-Shiinaha iyo Geed-deeble darkalana waxay ka fadkudiyeen dhankaa iyo Biyo-Doofaar. Madaafiicdu kuwo joogsanaya maaha, kuwo dhamaanaya ma aha, kuwo laga daalayo ma aha waa joogto iyo xidhiidh.
Maalintaasi waa dharaartii, hooyadu ilmaheedii argagax iyo baqdin la tuurtay, waa maalintii ninku xaaskiisa ka jaqaafiyay, waa maalintii la kala irdhoobay, waa QIYAAMAHII HARGEYSA.

C/laahi Xassan C/laahi "Baxraawi"

Friday, February 20, 2009

Dhalinyaradu Ma Ka Waantoobi Doonaan Doorkan Codkoodii Bilaashka Ahaa???

Tan iyo intii lagu jiray halgankii hubaysnaa ee lagu soo dhicinayay gobonimadii dhacantay, dhalinyaradu waxay ahayd shiidaalkii iyo tamarkii lagaga gudbayay marxalad kasta oo la soo maray, iyagoo ah kuwo lagu xisaabtamo oo aan marnaba laga maarmi karayn.
Hadaba dhalinyartu waxay ahayd intii la soo waday geedi-socodka dimuqraadiyada ee dalka lagaga hirgalinayay nidaam ay dadku codkooda ku soo xulan karaan cida ay rabaan kuwa lagu majeerto - waa hubka ololaha loo adeegsado, waa qalabka habsami u socodka iyo doorashooyinka loo isticmaalo, waa kuwa ka danbeeya cid kasta oo nasiibka iyo qadarkuba u daadihiyaan inuu hanto talada umada. Su'aasha qalinku is weydiinayo ee ka soo dhex baxayso qormadeenu waxay tahay, dhalinyarada ma loogu hanbeeyay sidii ay u liseen, mase loo ogyahay abaalka ay u galaan kolba cidii mansabka u qooqda?
Dadka qaar ayaa rumaysan in meesha abaal la isku galayo iyo ixsaan la isku falayaa aanu jirine, wax la kala iibsanayo, oo beecu yahay mid hore u dhacay; waayo waxay ku doodayaan darkani inaan dhalinyaradu bilaash u taagnayn bacad iyo milicda, una guura-bahalaynayn habeenimada ujeedo la'aan iyagoo dhex qaadaya dhaxanta iyo gabadanada jiilaalka, balse ay eexaysanaayaa mijinta qaadka ah ee sarajooga ku cunayaan iyagoo isku dhaafinaya gubabaabada qabyaaladeed ee beenta ku dhisan ee dhagaha loogu rido.

Dhanka kale waxa jira qolooyin fikir kaa ka duwan qaba, kuna doodaya inay dhalinyaradu yihiin kuwo markasta dulman oo tamartooda iyo itaalkooda dihin loo adeegsado ee lagu fuulo salaanka iyo faraska damaca siyaasadeed ku heensaysan, hadhawna lagu ilaawo oo lagu dhaafo habaaska, laguna daayo inay ku dhex qaraqmaan badweynta mawjadaha rajo-xumida iyo shaqo la'aantu ku cartamayaan, kuwaas oo qaar badan ku qasba inay naftooda curdinka ah ku biimeeyaan saxaraha abeesada looga caagay iyo badaha libaax-badeedka looga waakaday bal inay kaga raystaan balanqaadadyada beenta ah ee codkooda lagu xalaashado.

Hadal iyo dhamaan dhalinyarada maanta waxaa la gudboon in ay si ilbaxnimo ku jirto codkooda ugu meel dayaan, oo u sahimiyaan halka ay ku ridayaan iyagoo ka xor ah qabyaalada. Dhawrka caleemood ee qaadka ah iyo beenta faasidka ah ee dhagahooda caafimaadka qaba lagaga dhuri jiray, waa in qofka lagu qiimeeyo barnaamuj siyaasadeed oo maanta lagaga baxo dhibaatooyinka kala duwan ee haysta bulshadeena gaar ahaan da'yarta, waa inay dhalinyaradu ogaadaan in maanta ay tahay jaanis shan sanadood ka dib soo mari doona oo ay ku qorshayn karaan masiirkooda iyo kan umadooda, halka qofka siyaasiga ah ay tahay inuu ogaado in khiyaamada uu kula kacayo jiilka barida ah taariikhdu ku xukumi doonto, iyadoo u naxariisanayn. Xabsina uu ahaan doono bogageeda madaw, walibanna, kaaga darane, tii aakhirana u hadhsan tahay.

Wednesday, February 18, 2009

Hadaan Dhulka Ka Naxariisano Samada Ayaa la Inooga Naxiiriisan.

Waxaan ahaa inan yar, oo markaa fooda la galayay da'da la yidhaahdo kurayga, ama bil iyo lababa kor u dhaafay.
goor waxay ahayd roob Mayay ahi siduu subaxii u bilawday duhurkii qaaday, waxaan ka soo rawaxay dugsigii hoose, marka laga tago gaajada waxaan la ordayaa anigoo sinta ku sitta dhawrkaygii buug waxa weeyaan onkodka iyo tiixa korkayga ku hoganaya, markaliya ayaan hortayda waxaan ku arkay bisad yar oo malaha habeen kaliya jirtay, indhihina aanay wali u dilaacin. oo wadada dhex jiifta oo ciyaysa oo dhoobadii qarisay gabigeedii, waan istaagay dareenkuna waxuu ii saamixi waayay inaan cidlada ku dhaafo, waan soo dhuftay anigoo hareeraha eegaya bal inaan hooyadeed ilaahay ishayda baadi doonka ahayd la kulansiiyo-- waxba ma jiraan, ma rajaybaa, mise hooyadeed ayaa dayrisay, allaa inaga oge, intaan so qabtay ayaan gacanta si naxariisleh ugu qabtay, ma sugi karo oo caydhkii roobka i soo gaadhaya cagaha ayaan wax ka dayay oo gurigayagii beegsaday.
Halkii aan awalba maskaxdaydu sii qorshaysay ayaan tagay waa bisadayadii Sacado oo markaa Umul ku ahayd 4 dhalood, oo nuujinaysa dhalaheedii, badhtanka ayaan u dhigay hadiyadii aan siday, waa qadar ilaahay eh, waa sidii oo ay dhashay iyadu intay uursatay ayay gosha soo gashaytay oo kalsooni ku nuujisay, waa laga yaabaa inay aniga i qaadi wayday oo ay DIIDAY odhan kari wayday sabiga yar ee naxariista ugu keenay bisadan Rajayda ah ee daranyadu haysatay.
Bisadii waxay ku kortay oo la waynaatay dhalahii kale, waxaanay noqotay bisad magaceeda aan ula baxay Lucky, waxay noqotay bisad markay i aragto igu soo haada oo aan dadka kale uga tilmaamanahay, kalgacal iyo jacayl gaar ahna ii haysa.
sheekadan waxaa igu kalifay, maaha maaweelo iyo wakhti dhaafis ee waa weeyaan inaynu dareeno inay caawino cid kasta oo jilicsan intii karaankeena ah.
waayo maanta waxaa jira boqolaal caruur ah oo u badan darbi jiif, dhulku gogol u yahay cirku go' yahay, oo calooshooda gaajada la golongoshay markay waayaan waxay ku soo tiiriyaan xabag miciinsaday, inaguna sadka cayda iyo caydhsasha huga uga dhignay. Waa inaynu gacan qabanaa, hadaynaan sidii Lucky guryaha geyn karayn waa inaynu garanaa inay kafaalo qaadno Ilmo kaliya oo darbi jiif ah, si ilaahay naxariistiisa iyo kalgacalkiisa u hantino, una noqono umad isu dabacda oo isu dhibirsan.