Tuesday, April 15, 2008

Faalada Bogga Ee Ku Saabsan Xaalada Hadda Somaliland Marayso

Laga soo bilaabo tan iyo markii la aasaasey, dhidibadana loo taagay qaran madax-banaan oo Somaliland loogu wanqalay, waxaynu kusoo dhaqmayney wada-tashi, isu-tanaasul iyo hogo-tusaaleyn marba lagaga gudbi jirey xaaladdaha taagan, laguna furdaamin jirey marxalad walba iyo hadba wixii khilaafa ee soo baxa.

Sooyaalkaa taariikheed wuxuu ku dhisnaa hab-beeleed iyo taladda oo hal-door ay ka ahaayeen odayaasha, cuqaasha iyo wax-garadka dalku, waxaana ka dib loo guurey axdi-qarameed dhalay nidaam dawladnimo oo distooriya taas oo shacabka JSL si kalsooni baaxad lihi ku dheehan tahay ugu coddeeyeen aqlabiyad 97%, maalintaas oo ay si wada-jira u dhaqan gashey dawladnimada ama gooni-isu-taagga JSL iyo dastuurkii ay ansixiyeen goleyaashii iyo xukuumaddii marxuum M.X.I. Cigaal, hawshaas qaran ee waaggaas fushey waxay jawaab waafiya u noqotey su’aasha ah dadka JSL ma u dhan yihiin gooni-isu-taaggii lagu dhawaaqey 1991kii.

Maalmahaa laga soo bilaabo waxaa si toos ah u hirgashey dawladnimo, dastuurku yahay saldhigga iyo awoodda ugu sareysa ee hagaysa umadda, halbawlena u ah wixii umadda JSL ku heshiiyeen. Nidaamkaasi oo dhalay dimoqraadiyad ku salaysan hanaanka asxaabta badan. Haddaba iyadoo laga duulaayo waxaas la dhigtey ayey dawladnimada dalkeenu ka kooban tahay saddex waaxood oo kala ah Fulin, Xeer-dejin iyo Sharci-Illaalin (Executive, Parliamentary and Judiciary) oo laga soo min-guuriyey hababka dawladaha la yidhaahdo jamhuuriyad-madaxeedka (Presidential Republics) ay ku shaqeeyaan. Waxaa kale oo iyana dawladnimadeena iyo dastuurkeenuba ahmiyad siinayaa doorka Saxaafadda iyo qaybaha kala gadisan ee bulshadda… intaas oo idil waxay hayaan waajibaadyo kala gadisan oo isugu soo biyo-shubanaaya isu-dheeli-tir iyo addeeg-bulsho oo loo dhan yahay (Check and balance).

Haddaba, su’aasha meesha taala isla markaana in la isweydiiyo mudan wakhtigan xaadirka ah ood moodo in siyaasadda Somaliland qas iyo iska-daba wareeg ka muuqdo, waxay tahay Waa maxaywaxyaabaha JSL ka socon laadahay ama ay u dhutineyso muddo 17-sannadood laga jooggo gooni-isu-taaggeedii?
Si aynu su’aashan jawaab waafiya oon xaglin, xag-xagasho iyo xag-jirnimoba ka madhan tahay, balse ku qotonta xaqiiqda iyo waayaha bulshadani la kacaa-kufayso, waxaynu qaadaa-dhigi doonaa qoddobadan hoos ku xusan, iyaddoo garsoorkeedana akhristeyaashu ka xeer-beegti yihiin;

DISTOORKA JSL

Waxaynu la soconaa in dastuurkeenu yahay kan xeer ahaan ugu sareeya ee aynu dhiganay isla markaana waajib tahay ku dhaqankiisa, dabaqidiisa iyo ilaalintiisuba. Waxaa kale oo aynu ka dharagsanahay in dastuurkeenu ixtiraamaayo diinta ISlaamka wixii ka hor-imanaayana uu xaaraatimeynaayo, isla markaana waajibinaayo ilaalinta qaranimadda JSL, adkeynta nabad-gelyadda iyo hannaanka wada-tashiga. Arrinta kale ee xusidda mudanina waxaa weeye, sida Diinteena ISlaamku u adkeysey una waajibisey ilaalinta iyo xaq-dhawrka wixii umaddi ku heshiiso… taas oo ay marag u tahay sidii wacneyd ee heerka-sare ahayd ee Rasuulkeenii, Imaamkii anbiyaddu Muxamed (N.N.K.H) ee uu u adkeyn jirey heshiisyada ay xukuumaddii islaamku gali jirtey xataa haddii umaddo diin kale haysta wax lala meel-dhigaayo..Haddaba waxba yaan arr-aartu ila durkine, aan usoo noqdo dulucdee, JSL sideebey u xaq-dhawrtaa waxay dhigteen. Runtii xaq-dhawrka sharciyadda dalkeena waxaa ka muuqda god-daloolooyin fara badan, sida hanaan la’aanta iyo gaabiska ka muuqda maxkamadaheena sare iyo dastuuriga oo mid kaliyaata isku ah, waxaa kale oo god-daloolin ka muuqdaan nidaamka fasirida muranada kasoo baxa qoddobada dastuurka,, oo ay ahayd in xeer cad oo tafatiran oo fasiraaddi jiro (interpretation schematic code)… waxaa arrimahaas marag ma doon u ah khilaafkii ka dhashey furashada ururada siyaasadeed iyo axsaabtani ma ku meel-gaadhbaa mise waa joogto.. arrintaasi waxay in badan bey inagu soo jiitantey, murankeeduna xadhig gaadhey, waxaa kale oo iyana jirtey arrintii mudo-kordhinta guurtidda oo in kasta oo maxkamaddu riday, haddana buuq ka dhashey, waxaa kale oo iyana uguba, oo khilaaf iyo dhawaaq dheeri ka jiraa qoddobka loo cuskanaayo muddo-kordhinta xukuumadda taas oo aan muran ka jirin in ay golaha guurtidu kordhin karaan, balse muranku yahay sida ay u kordhinayaan, iyo sababeyntey raacinayaan maadaama dastuurku shuruud ku xidhey. Shuruudaas oo ah in ay dalka ka jirto fawdo, ammaan darro ama dagaal ku jiro., taas oo guurtidu xalaaleynteeda u cuskatey inay amaan darro gobolada qaarkood ka jirto, sida ka muuqatey wareysigii g/xigeenka 2aad ee golaha odayaasha guurtiduna waxaa uu aad u difaacey go’aankooddaas, isagoo sheegey inaanu dalku ahayn oo kaliyaata Hargeysa iyo Burco sida uu hadalkiisa u dhigey. Markaas haddaba gara’oo gobbaladii kale ma ammaan daraa? Dadweynuhu ma arkaan xaalad cakiran oon sinaba doorasho u saamaxaynin? Xukuumaddu arrinkaas odayaasha ma ku raaci doontaa, mise waabey siday rabtey oo wixii laga filaaba waa way saxsan yihiin odayaashu? Maxkamadda sare, haddii laga heshiin waayo, sidey wax u fasiri doontaa?
Gunaanadka arrimaha dastuuriga ah waxaan kusoo afmeereynaa in dastuurkeenu uu leeyahay isaga laftiisu dhaliilihiisa, taas oo u baahan in caqli, wada-tashi iyo xeerin dan guud lagaga arrinsado wixii isaga laga waayo, maxkamadda dastuuriguna hawlaheeda qabsato ooney cidna u habran illaalisona madax-bannaanideeda si loogu kalsoonaan karo,

NABAD-GELYADDA DALKA

Nabadgelyadda oo ah tiir-dhexaadka jiritaanka umadda JSL, ahna ta ay ku faanto ee ay asaageed ku dheeftey, kagana raysey caddaw fara badan oo dibin-daabyadeeda jecel, ayaa baryahan dambe aad mooddaa in muran la galinaayo. Waxaa dadka reer Somaliland baryahan dambe isha ku hayaan arrimaha qaraxyadda aan dhibaatada gaysan ee argagaxa iyo sumcad darrada abuurey , taas oon ilaa hadda la garan kareyn cida ka dambeysa iyo ujeedada ay salka ku hayaan.. ee arrintan aan dalka looga baranin daaran tahay.. waxaa deg-deg iyo ka fiirsi la’aan buuxda lagu tilmaami karaa hadaladii wasiiru-daakhilaga ee uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey qaraxa iyo aafadiisaba..arrintaas oo u muuqata ku talax-tag arrimaha kala jiidashada shacabka iyo olelaha doorashada oo meel xun inaga gaadhey, maadaama oo aanay wali si rasmiya u cadayn arrintaas hay’adihii ku shaqada lahaa oo aanu dhammaan nidaamkii baadhiseed, isla markaasna aaney cidna maxkamadd loo soo taagin dambigaas kuna caddaan…mana fududa ku eedeynta arrimahaas dibin-daabyada bulshada ku ahi xisbi qaran iyaddoo dambiyo hore oo Kulmiye ku eedeysnaa aan wali lagu cadeynin sida idaacaddi horyaal ee loo jabiyey xarunta xisbigaas. Waxaa mudan in waaxaha dambi-baadhistu deg-deg usoo caddeeyaan cidii soo abaabushey qaraxyaddan, maxkamadna la geeyo si loo abaal mariyo caddawgaas abuuraaya kala-shaki iyo burburin lagaga soo horjeedo qarannimada JSL oo haatan uun qaan-gaadh ah lana filaayey in la midho-dhaliyo himiladeedii mustaqbalkan dhaw…
Waxaa kale oo iyana xusid mudan, xadhiga lagula kacay masuulka gobbolka hargeysa ee xisbiga Kulmiye Mr. Xamarji oo ahaa mid aan loosoo marin nidaamkii ay ahayd in masuul lagu xidho..kaas oo haba-la-dedejiyee u baahan inuu maro jaran-jaro sharciyeysan oo qeexan. Taasi waxay gundhig u tahay in qofku yeesho mudnaan (Immunity).


ANSHAXA SIYAASADEED
Marka laga hadlaayo anshaxa siyaasadeed iyo habka cabiraada ra’yiga siyaasi ee dadku isku dhaafsadaan saxaafadda iyo saaxadaha kaleba waxaa ay tahay arrin laga dheegan karo, lagana xigan karo ilbaxnimada iyo bislaanshaha siyaasadeed iyo dawladnimo ee ay bulsho leedahay. Haddaba, maalmihii u dambeeyey iyo marka xiisado siyaasadeed yimaadaanba waxaa saxaafadda lagu arkaa anshax xumo hor leh oon ku habooneyn bulsho-haldoorkeed inay isweydaarsadaan..waxaad moodaa in siyaasiyiinteenu dhinacey doonaan ha u hadleene aanay xil badan iska saarin kala doorashada iyo xulashada ereyada ay wax ku cabbirayaan, kuna doodayaan oo u badan tiraab aan farsameysneyn, farsahaxinimo iyo xeerin toona ka muuqanin….tusaale ahaan erayada la isticmaaley ee saxaafadeenana lagu duugey waxaa ka mid ah: in masuul, masuul kale ku tilmaamo ilmo-furaash, ka kalena ku jawaabo mu’aamarad dilbaad gashey, in mas’uul qaran la isir taabto, iyo tu kaloo ka daranbaa jirtee taana aan bal sheego.. in masuul, masuul kale ku tilmaamo dhadig..in masuul wax ka sheego marwooyinka.
Haddaba intaas oo dhammi waxay tusaale u yihiin sida siyaasiyiinta maantu u gabeen inay wado iyo ku deyasho suubban u tusaan jiilasha yaryar ee ay haldoorka iyo tusaaleha u yihiin,, waana arrin gabi ahaanba reeban…dhaliisha waxaa lagu cabbiri karaa cay la’aan iyo iyadoo loo baahan aflagaado.
SILICA UMADDA

Waxaad la socotaan akhristeyaal, in miciishaddii daruuriga ahayd cirka isku shareertey oo cidhiidhi gashey, quudashaddiina maanta noqotey mid aanu awooddin qaadaa-ma-dharguhu…waxaa la yaab leh in wiigagii ugu dambeeyey uu raashinku libin-laabmey…oo aanu awooddi kareyn iibsigooda qoyska dalka gunnada yari kasoo gasho..intii dibadaha laga biilin jireyna qaylo bilaabeen…ganacsatada jeebka waaweyn ayaa noqdey shilin ama dulin ku dul-nool dan’yarta oon u naxayn…bakhaaradda kaydka raashinka ayaa la qufuley si looga faa’iideysto kalifaada shacabka masaakiinta u badan…qiimaha qaadka ayaa isna kor usii kacaaya iyadda oon dawladdu cashuur dheeraada oo ay dadka wax ugu qabato saarin, balse suuqyadda itoobiya ay wax ka kaceen…korodhka raashinka waxaa weheliya dhammaan agabka dhisme, xidhasho iyo isticmaalideed oo isna korodh laxaad leh samaynaaya…isweydiintu waxay tahay ninka doorkan maanta ah u doonyeystey madaxnimo, uba diidi meynee aaway dadkii u codeyn lahaa saw kuwan quutal-daruurigii, iyo noloshiiba lagu cidhiidhyey ee ay bastood busaarad, abbaar, faqri iyo caddaalad darro hadheysey.
Xalku wuxuu yahay umaddani maanta daajiyey u baahan tahee, saalax-waate uma baahna, mufakir bey u baahan tahee, munaafaq uma baahna, nin u talieyey u baahan tahee, nin u abtiriya uma baahna..nin u shaqeeya oo isu arka jaarri umaddu leedahay bay u baahan tahee, nin ka shaqeysta uma baahna..taajir quudshey u baahan tahee, mid mamey oo dhiig-miirta uma baahna.. oday milgaha dhawroo, dadka isku wadey u baahan tahee mid xagliya uma baahna… ugu dambeyn dalkani wuxuu u baahan yahay inay cid waliba waajibkeeda kasoo baxdo..

No comments: