Su'aal weeye qof qof hadii looga jawaabayo dhib yar oo qof kastaa odhan karaa haa ama maya, laakiin ujeedada suaashaydu maaha inaynu lafteena ka hadalno laakiin waa inaynu u hadalno guud ahaan?
dhalinyaradu soomaalidu waxaa muuqata hadii aan horeba uga jawaabo suaashaas iyada ah inayn ahayn qaar ka faaiidaysan internetka marka laga tago tiro yar oo ka midho keenay internetka una arka daaqad cilmiga ay ka daalacan karaan, halka intooda badani ay tahay qaar internetka u arka meel lagu haasaawo oo shay kale oo ay faaiiido ka leedahay ayna jirin, tusaale ahaan hadaad gasho maqaaxiyaha internetka ama goobaha ganacsiga ee laga galo internetka waxaad arkaysaa dhamaan dadka ku jiraa inay 90% dhalinyaro yihiin, halkaas oo hadaanan khaldanayn 1% mooyaane intooda kale ay ku mashquushantahay haasaawe iyo MSN ka oo ay isticmaalayaan kana sheekaynayaan waxaa intifaac iyo faaiido u lahayn.
waxaan arkay nin aanu saaxiib nahay ayaa maalin anagoo wada fadhina asxaabta waxuu nooga sheekeeyay inay inan ay xidhiidh lahaayeen oo dalka dibadiisa ku maqan aanay baryahan aanu wax fariimo ah ka helin isla markaana aanay MSN ka soo galin, aadbuu u murugooday waxaana arrintuusu dareen ku samaysay nin abwaana oo aanu saaxiib nahay oo hees ka tiriyay dareenkaas waxuu yidhi:-
Axadii shalaybaan
Box kayga eegoo
Email kamaan helin
Inantaan jecelaadee
Xagay aaday maalmahan
Online iima noqotee
Arag-roon xageebay
Aduunyada ka joogtaa
May ilawday waayaha
Aniga iyo jacaylkii!
Internetku waa goob ka balaadhan in lagu haasaawo isla markaana wakhtiga lagu lumiyo, waa laybareeri weyn oo dhamaan buugaagta caalamka yaal oo dhan aad si fudud uga heli karayso, waa suuq balaadhan oo waxaad doonto ka iibsan karto, waa jamaacad laga baran karo culuumta kala duwan idilkeed.
waxaynu ku boorinaynaa kuna dhiiri galinaynaa dhalinyarada soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan inay ka baxaan khiyaalka ay ka aaminsanyahiin internetka kana dhigaan goob ay aqoon iyo faaiido kala tagaan markasta oo ay soo galaan.
No comments:
Post a Comment