Friday, February 20, 2009

Dhalinyaradu Ma Ka Waantoobi Doonaan Doorkan Codkoodii Bilaashka Ahaa???

Tan iyo intii lagu jiray halgankii hubaysnaa ee lagu soo dhicinayay gobonimadii dhacantay, dhalinyaradu waxay ahayd shiidaalkii iyo tamarkii lagaga gudbayay marxalad kasta oo la soo maray, iyagoo ah kuwo lagu xisaabtamo oo aan marnaba laga maarmi karayn.
Hadaba dhalinyartu waxay ahayd intii la soo waday geedi-socodka dimuqraadiyada ee dalka lagaga hirgalinayay nidaam ay dadku codkooda ku soo xulan karaan cida ay rabaan kuwa lagu majeerto - waa hubka ololaha loo adeegsado, waa qalabka habsami u socodka iyo doorashooyinka loo isticmaalo, waa kuwa ka danbeeya cid kasta oo nasiibka iyo qadarkuba u daadihiyaan inuu hanto talada umada. Su'aasha qalinku is weydiinayo ee ka soo dhex baxayso qormadeenu waxay tahay, dhalinyarada ma loogu hanbeeyay sidii ay u liseen, mase loo ogyahay abaalka ay u galaan kolba cidii mansabka u qooqda?
Dadka qaar ayaa rumaysan in meesha abaal la isku galayo iyo ixsaan la isku falayaa aanu jirine, wax la kala iibsanayo, oo beecu yahay mid hore u dhacay; waayo waxay ku doodayaan darkani inaan dhalinyaradu bilaash u taagnayn bacad iyo milicda, una guura-bahalaynayn habeenimada ujeedo la'aan iyagoo dhex qaadaya dhaxanta iyo gabadanada jiilaalka, balse ay eexaysanaayaa mijinta qaadka ah ee sarajooga ku cunayaan iyagoo isku dhaafinaya gubabaabada qabyaaladeed ee beenta ku dhisan ee dhagaha loogu rido.

Dhanka kale waxa jira qolooyin fikir kaa ka duwan qaba, kuna doodaya inay dhalinyaradu yihiin kuwo markasta dulman oo tamartooda iyo itaalkooda dihin loo adeegsado ee lagu fuulo salaanka iyo faraska damaca siyaasadeed ku heensaysan, hadhawna lagu ilaawo oo lagu dhaafo habaaska, laguna daayo inay ku dhex qaraqmaan badweynta mawjadaha rajo-xumida iyo shaqo la'aantu ku cartamayaan, kuwaas oo qaar badan ku qasba inay naftooda curdinka ah ku biimeeyaan saxaraha abeesada looga caagay iyo badaha libaax-badeedka looga waakaday bal inay kaga raystaan balanqaadadyada beenta ah ee codkooda lagu xalaashado.

Hadal iyo dhamaan dhalinyarada maanta waxaa la gudboon in ay si ilbaxnimo ku jirto codkooda ugu meel dayaan, oo u sahimiyaan halka ay ku ridayaan iyagoo ka xor ah qabyaalada. Dhawrka caleemood ee qaadka ah iyo beenta faasidka ah ee dhagahooda caafimaadka qaba lagaga dhuri jiray, waa in qofka lagu qiimeeyo barnaamuj siyaasadeed oo maanta lagaga baxo dhibaatooyinka kala duwan ee haysta bulshadeena gaar ahaan da'yarta, waa inay dhalinyaradu ogaadaan in maanta ay tahay jaanis shan sanadood ka dib soo mari doona oo ay ku qorshayn karaan masiirkooda iyo kan umadooda, halka qofka siyaasiga ah ay tahay inuu ogaado in khiyaamada uu kula kacayo jiilka barida ah taariikhdu ku xukumi doonto, iyadoo u naxariisanayn. Xabsina uu ahaan doono bogageeda madaw, walibanna, kaaga darane, tii aakhirana u hadhsan tahay.

Wednesday, February 18, 2009

Hadaan Dhulka Ka Naxariisano Samada Ayaa la Inooga Naxiiriisan.

Waxaan ahaa inan yar, oo markaa fooda la galayay da'da la yidhaahdo kurayga, ama bil iyo lababa kor u dhaafay.
goor waxay ahayd roob Mayay ahi siduu subaxii u bilawday duhurkii qaaday, waxaan ka soo rawaxay dugsigii hoose, marka laga tago gaajada waxaan la ordayaa anigoo sinta ku sitta dhawrkaygii buug waxa weeyaan onkodka iyo tiixa korkayga ku hoganaya, markaliya ayaan hortayda waxaan ku arkay bisad yar oo malaha habeen kaliya jirtay, indhihina aanay wali u dilaacin. oo wadada dhex jiifta oo ciyaysa oo dhoobadii qarisay gabigeedii, waan istaagay dareenkuna waxuu ii saamixi waayay inaan cidlada ku dhaafo, waan soo dhuftay anigoo hareeraha eegaya bal inaan hooyadeed ilaahay ishayda baadi doonka ahayd la kulansiiyo-- waxba ma jiraan, ma rajaybaa, mise hooyadeed ayaa dayrisay, allaa inaga oge, intaan so qabtay ayaan gacanta si naxariisleh ugu qabtay, ma sugi karo oo caydhkii roobka i soo gaadhaya cagaha ayaan wax ka dayay oo gurigayagii beegsaday.
Halkii aan awalba maskaxdaydu sii qorshaysay ayaan tagay waa bisadayadii Sacado oo markaa Umul ku ahayd 4 dhalood, oo nuujinaysa dhalaheedii, badhtanka ayaan u dhigay hadiyadii aan siday, waa qadar ilaahay eh, waa sidii oo ay dhashay iyadu intay uursatay ayay gosha soo gashaytay oo kalsooni ku nuujisay, waa laga yaabaa inay aniga i qaadi wayday oo ay DIIDAY odhan kari wayday sabiga yar ee naxariista ugu keenay bisadan Rajayda ah ee daranyadu haysatay.
Bisadii waxay ku kortay oo la waynaatay dhalahii kale, waxaanay noqotay bisad magaceeda aan ula baxay Lucky, waxay noqotay bisad markay i aragto igu soo haada oo aan dadka kale uga tilmaamanahay, kalgacal iyo jacayl gaar ahna ii haysa.
sheekadan waxaa igu kalifay, maaha maaweelo iyo wakhti dhaafis ee waa weeyaan inaynu dareeno inay caawino cid kasta oo jilicsan intii karaankeena ah.
waayo maanta waxaa jira boqolaal caruur ah oo u badan darbi jiif, dhulku gogol u yahay cirku go' yahay, oo calooshooda gaajada la golongoshay markay waayaan waxay ku soo tiiriyaan xabag miciinsaday, inaguna sadka cayda iyo caydhsasha huga uga dhignay. Waa inaynu gacan qabanaa, hadaynaan sidii Lucky guryaha geyn karayn waa inaynu garanaa inay kafaalo qaadno Ilmo kaliya oo darbi jiif ah, si ilaahay naxariistiisa iyo kalgacalkiisa u hantino, una noqono umad isu dabacda oo isu dhibirsan.