Thursday, July 22, 2010

Qiimaha ay Leedahay Saaxiibtinimadu

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa safar wada galay laba nin oo asxaab ahaa; waxay ahayd wakhti kaliil ah oo jawigu aad u kululyahay, oo malaha aad is odhanayso cadceeda madaxa la isku saaray.
Dhulku waa ban xirinxiir ah oo geed iyi daaq mid toona lahayn, aaga cidi kama dhawa eh, taladaadu waa socodka talaabada in loo dheereeyo si looga gaadho intaan gabalku damin ee aanay bahalaha arlada ku soo digaafin; garro oo dhulka libaax ayaa lagu ogyahay.
Waxay socdaan oo daalka iyo haraadka sheekada isku maaweeliyaan, waxay ku murmeen sheeko aan siiba ridnayn, waaba la isdhaafay, waa yaabe Xuseen ayaa dhirbaaxo dhabanka ku muudsaday Faarax oo saaxiibkii ahaa.
Faarax waa gaabsaday waxaanu iska tiray ilmo kulul oo dhabanka soo dul roortay....wax jawaaba ma samayne intuu fadhiistay ayuu ciidii bacaadka ahayd ku qoray SAAXIIBKAY AYAA I DHIRBAAXA!!!
Waa la kala aamusay oo sheed ayuu mid midka kale ka maray oo isku jiho loo socay, waxay socdaanba waxay ku soo baxeen gal haraaciyaya oo biyahu afka marayaan ---- ileen biyaha shaw aragtidooda waa lagu sirkhaamaa markaad u oonto, goor ay isku dhex tuureen iyagoon dharkii la bixin way garanwaayeen.
Waxay dabaashaan oo kolba hoosta biyaha ka qudhqudhiyaan Faarax ayaa quusay oo muquurtay misana soo bax markuu isyidhi dhoobo ayaa labada jilib ka qabsatay oo gacanta ayuu kor u soo taagay naftii!!!
Xuseen ayaa intuu ku haaday quusay oo intuu xaga danbe ka maray kor uga soo dhuftay dhoobadii uu dhex tiimbaday, waxaana soo dhigay banaanka isagoo naftu ku sii dabayartahay oo indhaha xaga kale ka rogay. Biyahii ayuu ka soo afrogay, naqasna afka ayuu ka siiyay.
Markii uu Faarax soo miiraabay ayuu intuu kacay salax weyn ama dhagax weyn oo mooska baliga ku yaalay ayuu intuu dhagax kale qaatay ku qoray isagoo ku xaquuqaya SAAXIIBKEY AYAA I BADBAADIYAY!!!!
Xuseen oo yaaban ayaa weydiiyay "Saaxiib markii aan ku dhirbaaxay Qoraal ayaad ciida ku qortay, markii aan ku badbaadiyayna Dhagax ayaad ku qortay e, maxaad uga jeedaa" waxuu Faarax Yidhi "Saaxiibtinimadu waa shay qaali ah oo qofku nasiib u helo, waxaan ciida ugu qoray markaad u dhirbaaxday waxay ahayd inay dabayshu baabiiso oo ay masaxdo xanuunkaad ii geysatay, dhagaxana waxaan ugu qoray caawimadaadii waxay ahayd inaanay waligay baa'bin oo ay ku dhignaato qalbigayga waligeed""!!!!!!!

Murtida ku Duugan Dadka Waalan iyo Sida aan Loo Ogeyn

Inbadan ayaan maqli jiray in carabtu ku maahmaahdo "xikmadu waxay ku jirtaa dadka waalwaalan", aniga la yaab ayay ila ahayd iyo ismoodsiis. Balse ma rumaysan jeeroo xaqiiqadu hortayda timid.
Habeen ramadaana, oo cawaysyadu kala xasuus roone lagu jiro tobankii ramadaan ee danbe, ayaa inaga oo bas la socda waxa kursiga iga horeeya soo fadhiistay nin maskaxda ka xanuusanaya, oo inuu inmudo ah bukay isla markaana wax daryeel ah aanu helin ay cadaynayso daranyada korkiisa iyo kalkiisa ka muuqata. Waxuu sitaa bir weyn. wuu duryamayaa, garaabana labada daan ayuu ku taqsiinsanyahay. miskiinada agtiisa fadhida ee naxdinta intay midh hadhuudha iska dhigtay janbiga isku dhajinaysa ayaan kasha uga damqanayaa. Sidii loo wada aamusnaa, ayuu mar kaliya intuu hadalkii uu hoos u dhigayay kor u dalacay yidhi "WAAR MA TAQAANAAN GODKA SHAYDAANKA LAGAGA DHUUNTO", waa nin waalan iyo caadkiiye hadal soke iyo af meel waayay ayaa loo qaatay, wuu ku celiyay, hadana ku celiyay.
Mar seddaxaadkii ayuu yidhi "waar halka shaydaanka lagaga dhuuntaa waa xaraman-aaminan, waa xaramka, waa masaajidada, waar nimanyahaw tobankii naarta la iska xoraynayay ayaa lagu jiraaye masaajidada halagu yaaco".
Nin waalan ayaa waxu suuqa ku arkay laba nin oo wada sheekaysanaya, markaasuu soo ag istaagay oo dhagta oo raariciyay, waxu maqlay iyagoo dhul iyo arrimo la xidhiidha hadal haya, waxu ku yidhi "waar maxaad ka hadlaysaan?" lalama hadal, dabadeedna waxu yidhi "waar heshiin maysaane ordoo kala taga…"
Wuu sii watay hadalkii oo waxu ku darayi "waar ma ogtahiin inaan ragu dhulka ku heshiin, dumarkuna raga ku heshiin?!!" labadii nin markaas ayay soo jeesteen oo mid ka mid ah ayaa yidhi "oo waayo?" ninkii bukay ayaa yidhi "ragu dhulka kuma heshiiyaanoo waayo Nabi Aadan (cs) dhul ayaa laga abuuray, dumarkuna rag kuma heshiiyaanoo rag ayaa laga abuuray feedhood!!"
Nin buka ayaa maalin isagoo rag maqaaxi fadhiyay weydiistay in wax loo dhiibo, waa la iska dhaga mariyay waxu yidhi isagoo calaacalaya oo ka xun xanuunkiisa "maalintuu ilaahay walaalkaygii iga weynaa ee i xidhi lahaa waalay ayaa ana duliga iyo daranyada la ii qoray" ninkaasi waa ninkii intuu suuqa Hargeisa ku arkay nin cad weydiiyay sharcigii uu dalka ku soo galay, markii uu gamagamleeyaynay cududa toori kaga turqay ee yidhi, waar meesha ma waxad moodaysaa xero-geel la iska soo gallo.
Basasku had iyo jeer waa goobaha ugu muhimsan ee bulshada, isku xogogaalsato hadba waxii jira, barqo ayay ahayd, rakaabku waxay u badanaayeen haween ka soo baxay sariibadaha oo reerahooda ku sii jihaysan. Nin maskaxda ka buka, hase ahaatee aan wax xanuuni ka muuqan ayaa baska saaran, waxu bilaabay sheeko; waxu yidhi “dee hadadaas ayaan maxkamadii ka imid, oo sow mid habaar ku dhacay islaan jaarkooda ahayd labada dhagoodba ka goosan. Haweenkii baska sarnaa ayaa dib u soo wada jaleecay oo waxa mar kaliya la isla oogsaday “oo maxay ku goosatay...oo goormay goosatay…xagay daganayd?” su’aalo ayaa la isla boobay, kii ugu horeeyay ilaa kii ugu danbeeyay ayaa mar isla oogsaday. Islaan ag fadhiday ayaa ku tidhi “oo hooyo gabadhu, gartay inay dhagta goosataye, ta labaad intay goosanaysay maxay qabanaysay?” “dee mooji way iska taagnayd…maxaanu garan qadar ayaa ku qaataye” ayuu ugu jawaabay.
Mar sheekadii baskii dawakhisay oo qofka kasta badheedhahiisa ka dhiibtay ayuu markuu sii dagayay yidhi “dumaraw dee meelaha kaga sheekeeya islaanbaa labada dhagoodba la goostay oo warka sidiinii isla dhex mara…naa wax la goostay ma jirto…idinku xitaa haduu qof waalani wax idiin sheego ma rumaysanaysaan?”
Meel maqaaxi ah ayaa waxa meel koone ah wada fadhiyay afar nin oo si fiican u labisan, mid ka mid ah ayaa sheekaynaya inta kalana way dhagaysanayaan, hadalka wuu dheeraynayaa sidii uu meesha oo dhan wax wada gaadhsiinayo, waliba ingiriisi iyo afqalaad ayaa ka buuxa sheekadiisa, nin xanuusanaya ayaa soo dhex maray maqaaxidii, waxu la yaabay ninkan sheekada afarta ka soo horjeeda u marinaya hadana wacdiyaya dhamaan maqaaxida inta fadhida, intuu eegay oo inbadan dhagaystay, oo ku dhugtay wuxu ku waramayo ayuu intuu u dhawaaday yidhi isagoo cod sare ku qaylinaya “foul is a foul, even if he goes to school” “doqonku waa doqon uun, xitaa haduu tago iskuul!” ninkii shib ayuu yidhi waanu iska aamusay.
Dadka badanaa bukooda waxay u badanyahiin dad markoodii hore raganimo, fariidnimo iyo garasho eebe u dhaliyay ee ay waayahu haseen, waxaana loo baahanyahay in la badbaadiyo maskaxahaas si bulshada loogu faa’iideeyo.

Qiimahu Geellu lahaan Jiray iyo maanta halka uu ku danbeeyay

saban kasta oo la joogay nolosha bani'aadanku waxu lahaa waxyaalo lagu qiimeeyo, ama dadku ku kala martabad sareeyo. nool iyo moodba, shaykasta oo maanta inala sahaalo ahi waxa jirtay goor uu figta sare kaga taagnaa sharafka, tusaale ahaan, waxa jirtay goor milixda ay dawladii Romanku mushahar ahaan u siin jirtay ciidankeeda, waxa jirtay goor qalinku (bronze) dahabka ka qanisanaa. casri kasta iyo cid kastaaba sharaftida iyo qiimahu meel ayay taagnaayeen.

Inagu Somali ahaan, inta la ogyahay caarada ugu saraysa ee qiimaha, quruxda iyo qadarintaba waxa yad u lahaa geela, oo ahaa mid lagula gorgortamin taashka boqornimada xoolaha. Geela sawkuwii lahaa markay u waayeen wax kale oo ay ku qiimeeyaan "geel waa geel waxii gooyaana waa geel", sidoo kale inkastoo soomaalidu ahayd dhaqan ahaan dad caan ku ahaa deeqsinimada hadana geelu wuu ka baxsanaa, oo muu ahayn wax deeqsinimada soo gala. waxa la tilmaamaa bari ay abaar xuni dhacday ayaa nin geeliisii ka baxay oo ka dhamaaday, tii naf ahayd waxay ku kaliftay inuu beegsado nin ay walaalo yahiin oo dhawr kadin oo geela uu ku ogaa, ileen nin geel aan lahayni qiime ma lahayne si uu ceebta iyo caydha uga fakado. haduu walaalkii u yimid dalabkiisiina sheegtay; jawaab waxu ugu siiyay walaakii gabay aan ka xasuusto labadan meeris:-

Walaalnimo ninkii iga rabaw ha iba weydiisan
hadii kale wadkaabaa galee igu wareegayso.

Ninkii halkiibuu ka soo haleelay, cid kale iska daayoo isagoo kii ugu dhawaa faramadhan kala socdo. waa aduunyo oo waa nabsi tira eh, bari danbe ayaa waaba ninkii kale oo isna geelu mudug ka taagan oo tii caydh ahayd weedhaaminayso, dusha kaga soo dhacay walaalkiisii uu hore u dayriyay. Jawaabtiisii waa tan ee bal ila eeg:-

Luqma-dheerahaan helay haday laqanyo kaa hayso
aniguma markaan kaa lalmaday iima loodsamine
lubigii walaalnimo ninkii laalabaad tahaye
Goblan lexojeclow waa waxii lumiyay Ayjeexe.

Hadaba geelu xoolo kuma jirin, if iyo aakhirna waxa lagu kala sareeyay oo lagu kala tun weynaa hadba inta tuladood ee u foofda, waa siday aaminsanaayeene, waa kuwii badheedhaka u lahaa, "aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayne", nina geel la'aantii guur umuu holan jirin, hadii dhiig daato waxa lagula kala badbaadaa geel ayuu ahaa.

Hadaba su'aashan maqaalkan igu arjuntay ee igu kaliftay waxay tahay, geelu maanta qiime intee leeg ayuu taaganyahay ama bulshadeena ugu fadhiyaa???

Waa mid u muuqata qof kasta oo maanta nool geelu halka la dhigay iyo darxumada u danbaysay, waa boog damqanaysa cid uun geel sharaftidiisa iyo qiimahiisa mar uun u soo taagnayd, waa mid jidhku ka dubaaxinayo qof magaabiyay oo haneeday caanahooda oo markaa gorof lagaga soo lisay oo daray ah intuu qudhqudho-cantuugay xoorku dibnaha iskaga dhigay. waxaan jecelahay inaan qiime dhaciisa ku soo qaato laba sheeko oo aan anigu shaahid u ahaa ee aan la iga sheekayn oo geela foolxumada ku timid, malaha cuqubaa ku dhacday kaga timid dadkii baadilka ku kala qaadi jirayaye.

Maalin anigoo ka soo rawaxay dugsiga hoose goor casar ah, ayaan waxaan ku soo baxay geel badan oo daaqaya meel dhir badani ka baxaysay, waxyar hadaan geelii anigoo cabsi iga hayso inuu igu durduriyo dhex xulo oo hareeraha baala-daymoodo, waxaan arkay laba neef oo geed ciin ah, alle ogaane, intay dusha uga baxeen cunaya oo qawlalada xoorkii ciinku ka daadanayo, waxa igu soo dhacday maahmaah aan dhawaanahaa ayeyday ka maqlay "Geelaw geed walba daaqoo, maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa" taw intaan idhi oo labadaydii buug mid meel ku tuuray ayaan anfariiray, ileen waan ka cabsoonayaye, waxaan raadiyay kii waday. cabaar ka dib ayaan helay isagoo geed hamash ah hoos hurda oo go'a madaxa ku duubtay, "waar geelaagii ciinbuu cunayaa, oo wuu ku dhimanayaaye kaalay ka qabso" intaas ayaan dhawr jeer si darandoori ah oo cod xuurtoona ugu idhi. intuu i soo eegay, ayaa ilama hadline go'ii hadana madax iskaga duubay oo igu yidhi "waar wuu cunaaye naga tag aabahaa ***** hurdadiibaad naga toosisaye!". talaw ma maahmaahdii ayaa beenawday mise geela ayaa ilbaxay oo laga talaalay? bal adba!

Bari kale anigoo fasalka todobaad ee dugsiga dhexe ku jira ayaa anigoo dugsiga ku sii socda uu ii yeedhay nin oday ah, ninka odayga ahi waxuu dhex joogaa dhawr neef oo geel ah oo u badan aaran ah (geel yaryar), waxu si gaar ah u eegayaa qaalin yar oo baal u daaqayay, waar bal bahalkan dugaagoobay eeg, talaw ma ninbaa mise waa naag?!! cajaayib anigoo odaygan la yaaban neefka dhadig iyo lab u kala saari la', oo leeyahay talaw waxu ma labeebaa, ayaa shaw odaygu masaa'ib ayuu arkaye waxaan milicsaday neefka lafta raamsanaya, ee qac-qac-qarjajacda ku haya, ilahay jana geegii jiray waxa laga hayaa "cimrigaagoo raagay geel dhalayana waa ku tusaa!" bal tanoo kale suuree, waa mucjisadii iigu yaabka badnayd, mar danbe ayay ahayd markii aan ogaaday in geelu mararka qaar cuno siiba lafta garabka oo uu ka raadiyo Calcium, anigoo amuurtan la yaaban ayaa waxa igu soo dhacay afareey kooban oo amakaagu iga iga keenay, isagoo qaalinkii ii jawaabaya waxu yidhi:-

Lafta waxa inaan cuno
Igu laasimaayee
Iska sii liq igu yidhi,
Gaajadaan la liitee
Ma wax layla yaabaa?!!.

Sheekaba sheekayn keentaaye, maalin kale goor duhur ah anigoo u holaday inaan jiifsado oo milicda ka laamadoodo, ayaan waxaan ku soo baxay qaylada, buuqa iyo sawaxanka, hadaan soo baxay waxaan arkay, islaanta ninka kaladhka ka laalaada, balaayo! waar talaw islaantii muuminada ahayd maxaa qaaday maanta ayaan kalka iska idhi. Misana islaanta waxbaa gaadhaye ubaxii iyo dhirtii muunada ahayd ee guriga ay gir iyo gir ku wareejisay ee mudadada ku soo tabcaysay bahal awr ah ayaa intuu luqunta sida wiishka u soo dirtay GAM-DARIIRAN kaga dhigay. Ku ye!, waxay ku leedahay, Awrka ayaan xidhanayaa . Waar talaw ma ribaa, riyahaa la xidhan jiray xaafadaha markay qooshka ka daadiyaane??!!!

Isku soo wada xooriyoo geelii lagu faani jiray maanta waa mid garaabada riyaha la booba, waa mid gudaafada gabalku ugu dhaco waana ugu baryo, waa mid calaf iyo ciirsiba mooday geedka TIINKA oo uu hadh iyo habeen ruugayo kaas oo dhalan rogay dhadhankii iyo tayadii caanahiisaba.
TALAW YAA TUSA AWAWYAASHEEN GEELA TAN AYNU KU DHIGNAY, TALAW YAA U SHEEGA RAGII LAHAA "Raga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa Geele", geelu maanta waxa kaliya ee u hadhay waa Magta oo wali uu diiday inuu ka tanaasulo.