saban kasta oo la joogay nolosha bani'aadanku waxu lahaa waxyaalo lagu qiimeeyo, ama dadku ku kala martabad sareeyo. nool iyo moodba, shaykasta oo maanta inala sahaalo ahi waxa jirtay goor uu figta sare kaga taagnaa sharafka, tusaale ahaan, waxa jirtay goor milixda ay dawladii Romanku mushahar ahaan u siin jirtay ciidankeeda, waxa jirtay goor qalinku (bronze) dahabka ka qanisanaa. casri kasta iyo cid kastaaba sharaftida iyo qiimahu meel ayay taagnaayeen.
Inagu Somali ahaan, inta la ogyahay caarada ugu saraysa ee qiimaha, quruxda iyo qadarintaba waxa yad u lahaa geela, oo ahaa mid lagula gorgortamin taashka boqornimada xoolaha. Geela sawkuwii lahaa markay u waayeen wax kale oo ay ku qiimeeyaan "geel waa geel waxii gooyaana waa geel", sidoo kale inkastoo soomaalidu ahayd dhaqan ahaan dad caan ku ahaa deeqsinimada hadana geelu wuu ka baxsanaa, oo muu ahayn wax deeqsinimada soo gala. waxa la tilmaamaa bari ay abaar xuni dhacday ayaa nin geeliisii ka baxay oo ka dhamaaday, tii naf ahayd waxay ku kaliftay inuu beegsado nin ay walaalo yahiin oo dhawr kadin oo geela uu ku ogaa, ileen nin geel aan lahayni qiime ma lahayne si uu ceebta iyo caydha uga fakado. haduu walaalkii u yimid dalabkiisiina sheegtay; jawaab waxu ugu siiyay walaakii gabay aan ka xasuusto labadan meeris:-
Walaalnimo ninkii iga rabaw ha iba weydiisan
hadii kale wadkaabaa galee igu wareegayso.
Ninkii halkiibuu ka soo haleelay, cid kale iska daayoo isagoo kii ugu dhawaa faramadhan kala socdo. waa aduunyo oo waa nabsi tira eh, bari danbe ayaa waaba ninkii kale oo isna geelu mudug ka taagan oo tii caydh ahayd weedhaaminayso, dusha kaga soo dhacay walaalkiisii uu hore u dayriyay. Jawaabtiisii waa tan ee bal ila eeg:-
Luqma-dheerahaan helay haday laqanyo kaa hayso
aniguma markaan kaa lalmaday iima loodsamine
lubigii walaalnimo ninkii laalabaad tahaye
Goblan lexojeclow waa waxii lumiyay Ayjeexe.
Hadaba geelu xoolo kuma jirin, if iyo aakhirna waxa lagu kala sareeyay oo lagu kala tun weynaa hadba inta tuladood ee u foofda, waa siday aaminsanaayeene, waa kuwii badheedhaka u lahaa, "aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayne", nina geel la'aantii guur umuu holan jirin, hadii dhiig daato waxa lagula kala badbaadaa geel ayuu ahaa.
Hadaba su'aashan maqaalkan igu arjuntay ee igu kaliftay waxay tahay, geelu maanta qiime intee leeg ayuu taaganyahay ama bulshadeena ugu fadhiyaa???
Waa mid u muuqata qof kasta oo maanta nool geelu halka la dhigay iyo darxumada u danbaysay, waa boog damqanaysa cid uun geel sharaftidiisa iyo qiimahiisa mar uun u soo taagnayd, waa mid jidhku ka dubaaxinayo qof magaabiyay oo haneeday caanahooda oo markaa gorof lagaga soo lisay oo daray ah intuu qudhqudho-cantuugay xoorku dibnaha iskaga dhigay. waxaan jecelahay inaan qiime dhaciisa ku soo qaato laba sheeko oo aan anigu shaahid u ahaa ee aan la iga sheekayn oo geela foolxumada ku timid, malaha cuqubaa ku dhacday kaga timid dadkii baadilka ku kala qaadi jirayaye.
Maalin anigoo ka soo rawaxay dugsiga hoose goor casar ah, ayaan waxaan ku soo baxay geel badan oo daaqaya meel dhir badani ka baxaysay, waxyar hadaan geelii anigoo cabsi iga hayso inuu igu durduriyo dhex xulo oo hareeraha baala-daymoodo, waxaan arkay laba neef oo geed ciin ah, alle ogaane, intay dusha uga baxeen cunaya oo qawlalada xoorkii ciinku ka daadanayo, waxa igu soo dhacday maahmaah aan dhawaanahaa ayeyday ka maqlay "Geelaw geed walba daaqoo, maalintaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa" taw intaan idhi oo labadaydii buug mid meel ku tuuray ayaan anfariiray, ileen waan ka cabsoonayaye, waxaan raadiyay kii waday. cabaar ka dib ayaan helay isagoo geed hamash ah hoos hurda oo go'a madaxa ku duubtay, "waar geelaagii ciinbuu cunayaa, oo wuu ku dhimanayaaye kaalay ka qabso" intaas ayaan dhawr jeer si darandoori ah oo cod xuurtoona ugu idhi. intuu i soo eegay, ayaa ilama hadline go'ii hadana madax iskaga duubay oo igu yidhi "waar wuu cunaaye naga tag aabahaa ***** hurdadiibaad naga toosisaye!". talaw ma maahmaahdii ayaa beenawday mise geela ayaa ilbaxay oo laga talaalay? bal adba!
Bari kale anigoo fasalka todobaad ee dugsiga dhexe ku jira ayaa anigoo dugsiga ku sii socda uu ii yeedhay nin oday ah, ninka odayga ahi waxuu dhex joogaa dhawr neef oo geel ah oo u badan aaran ah (geel yaryar), waxu si gaar ah u eegayaa qaalin yar oo baal u daaqayay, waar bal bahalkan dugaagoobay eeg, talaw ma ninbaa mise waa naag?!! cajaayib anigoo odaygan la yaaban neefka dhadig iyo lab u kala saari la', oo leeyahay talaw waxu ma labeebaa, ayaa shaw odaygu masaa'ib ayuu arkaye waxaan milicsaday neefka lafta raamsanaya, ee qac-qac-qarjajacda ku haya, ilahay jana geegii jiray waxa laga hayaa "cimrigaagoo raagay geel dhalayana waa ku tusaa!" bal tanoo kale suuree, waa mucjisadii iigu yaabka badnayd, mar danbe ayay ahayd markii aan ogaaday in geelu mararka qaar cuno siiba lafta garabka oo uu ka raadiyo Calcium, anigoo amuurtan la yaaban ayaa waxa igu soo dhacay afareey kooban oo amakaagu iga iga keenay, isagoo qaalinkii ii jawaabaya waxu yidhi:-
Lafta waxa inaan cuno
Igu laasimaayee
Iska sii liq igu yidhi,
Gaajadaan la liitee
Ma wax layla yaabaa?!!.
Sheekaba sheekayn keentaaye, maalin kale goor duhur ah anigoo u holaday inaan jiifsado oo milicda ka laamadoodo, ayaan waxaan ku soo baxay qaylada, buuqa iyo sawaxanka, hadaan soo baxay waxaan arkay, islaanta ninka kaladhka ka laalaada, balaayo! waar talaw islaantii muuminada ahayd maxaa qaaday maanta ayaan kalka iska idhi. Misana islaanta waxbaa gaadhaye ubaxii iyo dhirtii muunada ahayd ee guriga ay gir iyo gir ku wareejisay ee mudadada ku soo tabcaysay bahal awr ah ayaa intuu luqunta sida wiishka u soo dirtay GAM-DARIIRAN kaga dhigay. Ku ye!, waxay ku leedahay, Awrka ayaan xidhanayaa . Waar talaw ma ribaa, riyahaa la xidhan jiray xaafadaha markay qooshka ka daadiyaane??!!!
Isku soo wada xooriyoo geelii lagu faani jiray maanta waa mid garaabada riyaha la booba, waa mid gudaafada gabalku ugu dhaco waana ugu baryo, waa mid calaf iyo ciirsiba mooday geedka TIINKA oo uu hadh iyo habeen ruugayo kaas oo dhalan rogay dhadhankii iyo tayadii caanahiisaba.
TALAW YAA TUSA AWAWYAASHEEN GEELA TAN AYNU KU DHIGNAY, TALAW YAA U SHEEGA RAGII LAHAA "Raga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa Geele", geelu maanta waxa kaliya ee u hadhay waa Magta oo wali uu diiday inuu ka tanaasulo.
No comments:
Post a Comment