Marka laga hadlayo ama la isku dayo in wax laga yidhaahdo maalmahii halgankii dib u xoraynta Somaliland, waxa jiray ayaamo si gaar ah taariikhda ugu xardhan, isla markaana badalay itijaahii jiyo-siyaasaded ee dagaalka. Isla markaana si kastoo looga digtoonaado bogaga taariikhdu ku dhex leh baal widhwidhaya oo markaba isha akhriyaysa sida birlabta u soo jiita. Maalmahaasi waxay ahaayeen kuwo iskugu jira kuwo qadhaadh oo ku suntan guuldarro iyo kuwo ku tilmaaman guulo hor leh oo halyeyadii ururkii xaqudirirka ahaa ee SNM ka soo hoyeen dagaaladii faraha lagaga gubtay ee lala galay taliskii dadqalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre; guulahaas mararka qaar waxa ku adkaanysa qofka kasta oo isku daya inuu kala abla-ableeyo ama kala hormeeyo ayaamahaas inay qaarkood ay adkaataba sidii ay ugu kala bixi lahaayeen kaalinta hore tan loo hanaynayo. Way badnaayeen maalintaasi, waxaana mudnaan badan lahaanaya dagaalkii guda-galka ee 27 kii May isagu Burco lagu qabsaday. Waxa jiray dagaalkii Buuraha, kii Col. Cabdilaahi Askar lagaga jabsaday ubacdii taliska guud ee Qaybtii 26 aad ee Ciidamaddii Afweyne, Burca-duuray, Jabintii Jeelka Madheera, iyo qaar kaloo badan oo aanan qalinku ku dhex hafanayo haddii uu tiri yidhaahdo. Maanta ujeedadaydu waa inaan ku koobnaado, dagaalkii Hargeysa lagu soo galay 31 kii May 1988 kii. Maanta waxaa ku koobnaanayaa dagaalkii.
Dhamaan dagaaladaa aynu soo sheegnay waxay ahaayeen kuwo dhabarka iyo xanjaadka ay kaga jabeen taliskii uu mayalka u hayay dhiigya-cabkii Siyaad Barre, laakiin intaa oo kaliya ma ahayn, waxa jiray kuwo badan oo aan laga geyoonayn hadii qalinka loo qaato, balse anigu maanta tan aan qalinka u qaatay waxay tahay 31 kii May, waa maalintii ciidamada SNM ay dagaalkii gudagalka ay ku ekeeyeen magaalada Hargeysa, waa dagaalkii ciidamadii faqashta ee naf-la-caariga ahaa caynka iyo baydaba u gooyay, ma aha mid aan ka xigsanayo, oo aan uga qaraaba-kiiley dagaalkii ka horeeyay ee ka saamaynta badnaa ee Burco ay mujaahidiintii SNM ka dhex onkodeen 27/05/1988 kii, sababta aan u soo xushay waa taariikh ku beegan maanta. Waxaan jecelahay inaan is-dul taago saamayntiisii uu ku yeeshay, bulshadda iyo dareenkoodii maalintaasi taagnaa. Muuqaalka aan halkan ku soo koobayaa maaha muuqaal goobjoog u ahaa, balse waa mid aan ku soo warinayo indhaha iyo dhagaha waalidkay, gaar ahaan hooyadey iyo ayeyday.
Markii ciidamada SNM ay gundhada u soo galeen magaalada Burco seddex maalmood ka hor, waxay bulshada Hargeysi ahaayeen kuwo la daris ah laba dareen, mar waa mare, waxay ahayd farxad iyo nayaayir ay ugu diyaargaroobayeen soo farxada gudcurka dayaxu ku soo baxay iyo gabalka u damay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre ee xasuuqa, dilka, dhaca iyo barakicintaba ku hayay bulshada, marna waxay ahayd mid xanbaarsan dareen murugo leh oo ay hubeen in ciidamadii Afweyne ay cadhada kula dhici doonaan maatida oo camal iyo caadabo u ahayd markasta oo tani dhacdo inay wisiisiga iyaga kula dul kufaan.
Waxa juuq iyo jaaqba gabay guud ahaan magaalada, waxa la isweydiinayay talaw ma aamusnaantii duufaanka ka soo horayn jirtaa??! Mise waa mid intan uun ku eeg oo SNM dhoola-tus milatari oo kaliya ayay ka ahayd? Waxa magaalada sida qashinka loogu soo qubay ciidamo u badnaa maleeshiyaadkii qaxoontiga ahaa ee Siyaad Bare hubeeyay ee loo yaqaanay "Dabar-goynta". Ciidamadda intii kale, waxay bilaabeen inay galaa-bixiyaan magaaladda. Waxay ahaayeen kuwo kuwo talladood fara ka haaday oo keeb la yuurur ah, magaaladu waa bandoo. Moobil ileen ma jirine dayrarka iyo daaqadaha ayaa warka la iska soo tabinayay, lama garanayo meel Allaale meel loo baxsado, qof kastaa wuxu dareemaya inuu xero oodan libaax dad cuna ugu dhex jiro oo isaguna kadinkii ka taagan. Mid jigne hela iyo mid sarabad qaata iyo mid dantu ku kalifto mindiba waxa guryaha dayrarkooda laga qotay godad loogu tallagalay in dahabka iyo alaabta kale ee qaaliga ah lagu xabaalo iyadoo la hubay in laga yaaci doono magaalada isla markaana goor aan fogayn lagu soo laaban doono. Waxa siliiga iyo jiingada kala dhexdooda lagu qariyay doobabkii iyo gashaantiyahii si aanay ciidamada nafnaca ah ee Afweyne ciilka ugu sii galaafan. Ninkii abti, seedi iyo ehelnimo kalaba cid uun kaga baxsan karayay seefta Afweyne hore ayuu isku meeleeyay, talaw goormay xabadu bilaabi doontaa oo sida hilaaca idiinka hiilan doonta gudcurka idinku hawaara ayaa la isweydiinayay.
Waa sidii loo kala calool adkaaye ;dadka qaar waxay sii kariyeen ducooyin iyo cunto ay ugu talagaleen marka mujaahidiintu soo galaan in lagu sooro, wax la dhawraba oo la sahadiyaba waxa soo yeelyeeshay oo cirka isk qabsaday daruur madaw oo dhanka bari ka soo kacday, isla wakhtigaas waxa goosgoos loo maqlayay gariirka meel fog dhagta kaga soo dhacaya ee odorasaya in dagaalku soo gurguurnayo. Daruurtii waxay soo onkado oo isa soo cuntaba goor cawaysinkii ah ayaa dhibica dhulkii qalaylka ahaa sida rasaasta uga danab kacay intii aan daadku qulqulin, roobkaasi qiyaas ilaa 12 kii habeenimo ayuu da’ayay, jiif uma yaalo eh, waxay dhagta u raariciyaan ee onkodka kolba moodaan dayaanka madaafiicda ee dhibica jiingada ku darandoori dhacaya u haystaan rasaas, roobkii ayaa qaaday, abaaro 2 habeenimo iyo dheeraad ayaa la iskala soo galay dhinaca Sh. Cumar (koonfur galbeed ee hargaysa), oo feedha ka wareemay halka maanta ah Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo barigaa xarun u ahayd qaybtii 26 aad ee waxii loogu yeedhi jiray Ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxaa halkaa joogay oo habeenkaa ku xaadir ahaa dadqalkii weynaa Gen. Moorgan, oo markuu xejin waayay, naftii ula cararay dhinacaa iyo madaarka. Wax xabada la isku lisaba waxaa ciidankii xaqudirirka ahaa ee SNM ay sida daadka u jiidheen faqashtii oo qaarkood ku dhuunteen dayrarkii guryaha oo xeryaha riyaha isku soo xidheen, waxay labadaa ciidan ee Airport ka iyo kuwii Sh, Cumarba u soo kaceen dhinaca Idaacada oo markii horaba saraakiisha milatari ay Istaraatijiyadooda ku soo dajiyeen. Waxaa markiiba dhex raacay oo ciidankii dibada ka soo galay, ku biiray kooxahii gudaha ee markii horeba heegan ahaa, waxa samaysmay guutooyin dhan oo magaalada laga abaabulay oo shacabka ka tirsanaa, waxa is qabsatay mashxarada, waxa is helay indho isku buseeley; oday iyo xaaskii, mujaahid iyo hooyadii, waxa mujaahidiinta maalintaa halheys looga hayaa “Hadaan Hargeysa soo galay geeridaydu waa xalaal”. Dib u dhalasho ayay ahayd, waayo dadka mooraalkoodu aad bu u hooseeyay waxa maalmo ka hor heshiis wada galay labadii kalidii taliye ee kala hogaaminayay nidaamyadii dhargiga iyo faqashta; waa Migiste oo Itoobiya madaxweyne ka ahaa iyo Maxamed Siyaad Barre.
Annagu waxaanu daganayn
xaafadda Bada-cas. Aabahay dalka waa uu ka maqnaa, waxa uu ka shaqaynayay oo uu
jooga Sucuudi Carabiya. Waxa uu ka mid ahaa agaasimayaashii dawladda Siyaad
Barre, ee mar kaliya xilka laga wada qaaday hayb ahaan dhawr iyo todobaatankii
ee Sucuudiga u tacabiray, ka shaqo-galay, markii danbana ka mid noqday xoogagii
awooda dhaqaale la garab taagnaa ururkii SNM. Nooma iman karayn oo wuxuu ku
jiray "wanted list" ka, sidii qof waliba uu ugu jiray oo haybta
"Isaaq" wataa ugu jiray. Isla wakhtigaas, ciidamadii nabadsugidda NSS
ta oo la yaqaanay "Dhabar-jabintu”, maalmo yar uu ka hor 31 kii May 1988
kii waxay qabteen adeerkay Maxamed Cabdillaahi Qaalib, oo ka mid ahaa odayaasha
magaaladda Hargeisa. Dib looma arag, xaafadiisiina way ka quusteen una qaateen
in bari horaba ay seefta Afweyne jiidhay, waxaanu ka mid ahaa tobanaankii kun
ee lagu xasuuqayay xabaalaha Malka-durduro. Nasiib-wanaag, waxa uu ka mid
noqday hanbaddii ugu danbaysay ee ka badbaaday seeftii dadqalka. Isagoo tiirka
ku xidhan la xaga Ilaahay ka badbaaday, ee maanta ka warami kara taariikhda
madoobayd. Waxa isaguna dil toogasho ah ku lagu xukumay, balse xabsi dheer
loogu baddalay adeerkay kale Cumar Carte Qaalib, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii
waaweynayd ee Soomaaliya labadii dal ee la isku odhan jiray, oo isaguna
wakhtigaas ku jiray xabsigii Labaatan Jiraw.
Waxa dilaacay oo indhaha
kala qaaday waagii, waxa iyaguna isla markaa soo hamaansaday madaafiicdii
heedadawga iyo yool la’aanta ahaa ee faqashta dhinaca koonfureed magaalada kaga
soo hurgufaysay, kuwaas oo si garbo siman ah si aan arxan, naxariis iyo
dadnimotoona lahayn lagu guraacayay magaalada, waxa isqabsaday uurada, boodhka
iyo qiiqa –maxaa caruur la jiidayaa kaba la’ oo Karin la’, maxaa hooyo shalmadii
soo ilawday oo kabna lulaysa kabna laalidaynaysa caruurteedii oo hor tuban
hadana raadinaysa –waxa loo yaacayaa dhankaa iyo jihada Waqooyi hada waa halka
ay ku sii hoobanayaan madaafiicdu, waxa la kala garanwaayay meydkii iyo
dhaawacii, waxa qaarkood malaha waa kuwii ugu nasiibka badnaaye –guryaha
madfacu ku dhex aasay qoysas badan, halka qaar kale ay haada, tukaha iyo jiirku
saami u kala qaybsadeen meydkoodii oo dariiqyada wadhnaa -wax la qaadi karayaa
ma jirto, dadku ka igu badani gal-barkimo oo bariis iyo sonkor degdegii iyo
firkanixii meel la isku geeyay ayuu la ordayaa. Anagu waxaanu naf la caarigii u
yaacnay dhinicii kawaanka; waa halkee waa xaafadda malka durduro oo xasuuqa ugu
ba’an ka socday. Waxaanu miciin bidnay guriga awoowo 300 meter u jiray xarunta
taliskii dadqalka Afweyne. Halistii aanu galnay sibay nasiib noogu yeelatay,
waayo madaafiic ku soo dhacaysay halkaasi may jirin. Ta ka sii xun se waxay
ahayd, in aanu mar kastaba halis ugu jirnay inta nala duubo nalagu daro inta la
xasuuqayo. Madfacu dushayaduu ka dhacayaa. 7 cisho markii aanu ku jirnay ayaanu
dooxa marnay. Waxaanu u soconaa isla halka ay xabadda xasuuqu ka dhacayso,
xabaalahi malka-durduro xabad ayaa nalaga hor keenay qof kastaa meel ayuu ka
dhacay. Mar danbe ayay naïf na geysay Xaraf, oo ku taala duleedka galbeed ee
Hargeysa. Aniga waa la I xanbaarsan yahay. Xaabaale ayaanu marnay, haddana
Sayla, haddana Wada-bariis, sidaas ayaanu xadka Itoobiya kaga talawnay,
aakhirkiina aanu degnay Qudhaca, lanoona diiwaangaliyey Xeradii Qaxoontiga ee
Dulcad. Wakhtigaas aanu sii baxaynay waxa sida ayaxa uga soo uugaamay iyana
dhanka madaarka ka soo duuley diyaaradahii Afweyne oo xamuulkii wadka ahaa ee
ay sideen magaalada dhexdeeda ku sii dhex daayay, geeridu shacabka iyo maatidu
tiro male, dhaawacan hadalkiisa daa waliba waxa dheer inta la waayay ee meel
lagu tiriyo aan la hayn. Diyaaradahaas waxaa loo bixiyay markii danbe
Caasha-Biyo-Sida, waxa loo yaacay deegaanada Anayo, Biyo-Shiinaha iyo
Geed-deeble darkalana waxay ka fadkudiyeen dhankaa iyo Biyo-Doofaar.
Madaafiicdu kuwo joogsanaya maaha, kuwo dhamaanaya ma aha, kuwo laga daalayo ma
aha waa joogto iyo xidhiidh.
Maalintaasi waa
dharaartii, hooyadu ilmaheedii argagax iyo baqdin la tuurtay, waa maalintii
ninku xaaskiisa ka jaqaafiyay, waa maalintii la kala irdhoobay, waa QIYAAMAHII
HARGEYSA.
C/laahi Xassan C/laahi "Baxraawi"
No comments:
Post a Comment