Saturday, June 2, 2018
Waa Maxay Hinaasahu sideese Lagu Dawayn Karaa?
Bani’aadanka waxa noloshiisa ku gadaaman dareeno iyo shucuur farabadan oo saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku leh. Dareenadaas waxa ka mid ah hinaasaha. Hinaasahu waa dareen qof kasta intuu doono ha leekaado ku abuuran; waa mid la kala badsado lana kala yaraysto. Kaas oo marka uu gaadho heerarka qaar aad u sareeya ama aad u hooseeya keena in qofka noloshiisu ku haliganto, oo aanay aduunyadiisa oo kaliya saamayn balse aakhiradiisa wax u dhinto oo lagu cadaab iyo ciqaab muto. Nabigeena Suuban ee Maxamed (SCW) waxa uu xadiis inoogu sheegay in qofka “Dayuuska” la yidhaahdaa aanu jannnada gali doonin. Kaas oo uu Nabigu inoogu tilmaamay in uu yahay ninkaan ka damqan ee aanay dhibin xumaanta dadkiisa loola imanayo.
Dayuusku waa qof laga masaxay oo aan inaba lahayn waxa hinaasaha la yidhaahdo—malaha Soomaali ahaan halkaas inaga waxa kaga haboon ficil—oo jiidhka damqada iyo damiirkaba laga seexiyey. Halka hinaasaha kale ee xad-dhaafka ah Xadiis kale nabigu inoogu sheegay, in ay jirto laba hinaase oo Ilaahay midna jecel yahay midna uu neceb yahay: ta uu jecel yahay waa ta ku salaysan sabab dhab ah oo waaqac run ku salaysan halka tan uu Ilaahay neceb yahay ay tahay ta shakiga iyo ismoodsiiska ku dhisan.
Hinaasahu maaha mid u gaar ah haweenka oo kaliya, balse waa mid la wada leeyahay rag iyo dumarba. Waxaana la odhan karaa waa cudur nafsaani ah oo ku dhaca qofka, oo ku abuura khakhal iyo shaki aan meelna jirin oo aakhirkana keena, siday u badan tahay, in xidhiidhkii iyo dhismihii qoyska uu qofkaasi lahaa burburiya. Waa xanuun qofka ka qaada kalsoonida iyo daganaanshahiisa. Waxa aan la dafiri karin in sabab ay u yihiin jacayl iyo lexo-jeclo xad-dhaaf ah oo uu qof lamanaahiisa u qabo, kana warwar-qabo in lagala baxo oo uu cid aan mutaysan uu u gacan-galo. Balse iyadana waxa aan la iska indha-tiri karin dhibaatada iyo xanuunka ay ku leedahay qofka kale ee laga ilaalinayo sida hilib bannaan yaala bahalaha, kaas oo xorriyada iyo daganaashaha isna laga qaadayo, iskuna arkaya qof jeel galay.
Guurku sida uu Ilaahay Quraankiisa Kariimka (SWT) inoogu sheegay waa mid keena daganaasho jidheed, maskaxeed iyo nafsadeedba, balse maaha mid ciqaab keena iyo warwar iyo xasilooni-darro. Qofku markuu guursado, taas macnaheedu waxay tahay in kalsoonidiisii, naftiisii, mustaqbalkiisii iyo aayahiisiiba uu u hibeeyay mataanka noloshiisa, laakiin haday taasi meesha ka baxdo waa mid halisteeda leh, oo ay micnaheedu tahay kalsoonidii ayaa meesha ka baxday. Rag ama dumar qofka hinaasayaa ha noqdee, bal isaga aynu weydiinee, qof kale naftiisa waardiye ma ka noqon karaa? Waa maya, taas ma damaanad qaadi karo, haddii uu isku lurana waa mid aakhirka noloshiisa dhaawacaysa.
Hinaasaha aynu ka hadlaynaana maaha kan xaqiiqada ku dhisan ee qofku uu cuskanayo ee marageeda leh, balse waa kan shakiga iyo is-moodsiiska ku dhisan. Kaynu ka hadlaynaa waa ka babisada qofka loo tuuro isagoo og kuna kalsoon in mataanka noloshiisu uu dhab u jecel yahay una daacada yahay. Oo waxa ku haya ee ula joogaa ay tahay kalgacayl, ee hadduu ka maarmo aanay jirin cid xadhko ku xidhxidhaysa oo ku haynaysaa. Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa la gudboon ka hinaasaya iyo kan lagu hinaasayo.
Aynu ku bilawno qofka hinaasahu hayo talooyinka dadka ku xeeldheer xidhiidhka qoysku ay u soo jeediyaan.
1. Sheekooyinka kugu soo dhacaya ee naftaadu kuugu sheekaynayso, lahaw adkaysi aad ku waajahdo, oo aad MAYA tidhaado waxa aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay maskaxdaadu kugu soo harqinayso, ee ay doonayso in aad adigu gaasta iyo kabriidkaba ku qabato si adiga ay kuu gubaan ka dibna qoyskaagu ugu shuf-beelo.
2. Markuu shakigu kugu soo boodo, adigoon cabudhin bal u fiirso oo ka waransii, aakhirka waxaad ogaan doontaa in waxa sababayaa uu yahay ee shakigaas kaa keenayaa cabsi adiga ku oogan ama cadho aad qabto. Haddaad taas samaysana waxa adkaanaysa in mar danbe ay ku soo noqdaan oo ku kicin karaan dareenadaasi.
3. Ogaw in qofkan sida uu qadarka iyo calafkuba iskugu kiin keenay markii hore aydun haddana Ilaahay u karo in uu idiin kala kaxeeyo, oo aanad adigu marka laga tago ilaalinta dhismaha qoyskaaga aanad masuul ka ahayn wixii qadarku keeno. Tani waxay ka awdaysaa kalsooni-darada kugu oogan oo asalkeedu yahay, awood gacantaada ka baxsan oo ah in aad isku dayayso in wax gacanta Ilaahay ku jira aad ka warhay oo ilaali aad is leedahay.
Kan lagu hinaasayo maxaa la gudboon.
1. Waxa dhab ah in qof aad jeceshahay oo aad u hanweyntahay oo kalgacayl xad-dhaaf ah laabta ugu hayso, uu isna kugu noqdo qof kaa aamin-ka-baxsan oo ku arka qof aan la aamini karin oo aan axdi lahayn, oo damiirkiisa iyo diintiisuba daciif tahay oo in la ilaaliyo oo in laga warhayaa ay khasab tahay. Laakiin ma isweydiisay, waxa uu sidaas u yeelayo qofka kale? Waxa aad ila qiraysaa in ay tahay jacayl aad u sareeya oo lexe-jeclo uu kaa qabo.
2. Ka feejignaw wax kasta oo shaki ku abuuri kara lamaanahaaga, haddii kalena si nasteex ah ugu caddee wax kasta oo uu wax kaa weydiiyo oo shakigiisa kicin kara.
3. U muuji jacaylkaaga had iyo jeer adigoo isku lurin waxa ku weydinayo iyo su’aalaha laga yaabo inay yihiin kuwo kaa cadhaysiinaya.
Ugu danbayn, arrinta hinaasahu, dhaqan ahaan, waa mid aynu u aragno qofka qaba qof waalan oo shaydaan u khaakhaayirayo oo isagu iswaalaya, laakiin waa mushkilad cid kastaba haleeli karta, mararka qaarna waxa uu noqon karaa xanuun nafsi ah oo haddii aan wax laga qaban waali ku danbayn kara, waana mid loo baahan yahay in la isdareensiiyo sababaha ka danbeeyaa aanay ahayn nacayb balse ay tahay Jacayl xadkiisa dhaafay, oo doonaya in uu qadarka ka dheereeyo ama ka awood bato. Hinaasahuna haddii uu nolosha qoyska ka maqan yahay, ogaw in aanay noloshu damcad iyo dhadhan mid toona lahaanayn, balse maaha mid kasta; waa ka xadka leh ee garanaya dariiqiisa.
C/laahi Xassan C/laahi "Baxraawi"
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment