Wednesday, January 2, 2008

Xasuuqii Ka dhacay Somaliland 1988.

Sanadahii ugu qadhaadhaa uguna xumaa ee soo maray shacabka somaliland ee samaha iyo nabada jeceli waxay ahayeen intii u dhaxaysay 1960-1991. wakhtiyadaas oo ahaa markii ay ku dhaceen goofkii ay guntisuu qotoda dheerayd ee ay ka dhex luntay xuriyadoodii 90 sanadood ay u soo halgamayeen ee ay sida dhibka yar uga heleen gumaystahii ingiriiska, taas oo laf dhuun gashay ku noqotay dadweynaha somaliland oo filayay markay ka hoos baxaan gumaystaha ingiriiska inay badhaadhe iyo nolol wanaagsan gali doonaan, laakiin umanay fadhiisan umanay fadhuumaysan inay gumaysi cusub afka uga gali doonaan.
Somaliland markii ay xoriyadeeda ka hantiday gumaystahii ingiriiska markiiba waxay bilawday inay kaga dhabayso riyadeedii malaawaalka soo jiraanka aha ahayd ee 5nta soomaaliyeed, oo ay markasta ku seexan jireen kuna soo toosi jireen sidii ay mar uun uga dhabayn lahaayeen.
markii xoriyadaas madiga ahi jirtay 4 habeen oo kaliya ayaa loo raray dalka Somalia, oo markiiba shacabka reer somaliland ee wanaaga jecel kula kacay xumaan iyo axmaqnimo ka dib markii ay garteen inay dhamaan jagooyinkii ugu muhiimsanaa dalka oo dhan ay Somalia qaadato.
reer somaliland taasi wax damaqa kumay yeelan marka loo eego riyadoodii ka weynayd ee ahayd inay soomaali weyn sameeyaan mar uun, waxayna noqotay in loo dhabar adaygo makasta iyo wax ma garatada garaadka hooseeya.
1969 ka dib markii uu af gambi aanu dhiig ku daadan dalka kula wareegay macangagii qawlaystaha ahaa ee Afweyne Barre, ayaa waxa shacabka somaliland diirka looga qaaday cadaawadii daahnayd ka dib markii xasuuq balaadhan loo geystay waxgaradkii umada somaliland, arrintii waxay soo socotaba waxuu noqday in cid kasta oo ka soo jeeda qabiilooyinka Isaaqu uu noqdo mid ku jira liisaska madaw ee taliskii cagajiidka ahaa ee Afweyne Barre.
waxaa la xasuuqay xisaab ku dhaw 400000 oo mar kaliya ku dhex qarsoomay xabaalo wadareedyada ay ka midka yahiin kuwa Malka-Durduro iyo kuwo kale oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. waxaa 1988 diyaaradaha lagu soo sanceeyay dalka ruushka ee Mig19 duqayn joogta ah u geyastay magaalada Hargeysa iyo Burco oo ay ahaayeen kuway ka soo duuleen madaaradooda. waxaa daahii go'ay madaafiicda lagu garaacayay maatida u sii firxanaysay dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa, waxaa kufsi aan loo kala aabo yeelayn lagula kacay dumarkii oo tu yar iyo tu weyn loo eegayn, waxaa la amulo dooxay hooyooyinkii uurka lahaa.
waxaas oo dhan marka la isku soo geeyo Somaliland waxay cafiday dhamaan dhibkii loo geystay laakiin waxay diiday waligeedna diidii doontaa inay ilawdo taarriikhda madaw ee ay soo martay iyo dhiigii dhalinyarada maanta geedkii lagu beeray la wada hadhsanayo.

6 comments:

Anonymous said...

Magacaygu waa maxamed kuuriya waxaan ahay nin soomaaliya wixi 88 soomaaloo ayaa kaxumeyd xataz militariga dhexdiisu iskuma raacsanayn ee waxay ahayd talo iyo amar ugaara siyaad barre xataz ilaa maantay waan kaxunahay wixi loo geystay umada soomaaliyz marka inaad shacab masaakiina oo dhibka idin laqabay ucolaadisaan shaqsi qaladuu galay midnimadii iyo wadajirkii umadana ujartaan aniga wax ilasaxa maahan

Abdullah ali said...

Anigu horta waxan dhashtey 1998 wlh warna kama hayo xasuq loogeystey walalhena somaliyed anigona kala soceynin marka aan egaba social,media waxan arkaa dad kahadla ictiraf iyo dhibka kadhaca muqdisho waxan,is iri maxaa kaqaldan wlalahan,somaliyed waxaan dib u badhey dhacdoyinka kadabeysa in somalida ay kala duwanadan markas kabacdi aan ogadey waxa kadambeya balse ra'ayi ahaantey shaqsi jecel kali talinimo aya kadambeyey in,somalida maanta ay wada xuqdadeysanyihn wana kaxumahay balse fikir hadan,kadhibto oo laqadarinayo fikirkas waxan jecelysan,lahaa in wlalaha isku yimadan ayna,is caafiyaan maxaa yeley nabi muxamde scw ayaaba qowmka quresh is kacafiyey kadib markii ay muslimintu dib ufurten,makka cafi wllka cafi wlasha somali isku diin ,dhaqan,lahajad ,luqad is kudhiig somali ilahey haidi barakeyo,

Unknown said...

Walgu sugay Mac ha baa ba aan Somaliland dhaman

Goohe said...

Malin uunbanu aarsan hadanu nahay dhalinyada reer somaliland.